Madaxwaynaha Lagu Muransan yahay ee Afghinstaan Ashraf Ghani oo sii deynaya maxaabiista Taliban
Madaxweynaha lagu Muransan yahay ee Dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa xalay waqti danbe soo saaray wareegto Ogolaaneysa in Xabsiyada dalkaasi laga sii daayo kumanaan ka Tirsan Ururka Taliban, taasoo wadda u Xaadheysa in milatariga Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan.
Arrintan ayaa qeyb ka aheyd Heshiiskii ay Taliban iyo Mareykanku dhawaan ku gaadheen magaalada Doha ee dalka Qatar, kaasoo hadafka ugu weyni yahay in lagu soo Afjaro Colaadda dalka Afghanstaan ka jirtay mudda 19-ka sano.
Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in muddo 14 bilood ah ay dalka Afghanstan kaga baxaan dhamaan Ciidamada Mareykanku iyo kuwa Xulufada lah ee NATO, halka Taliban looga baahanyahay in ay dib-u-heshiisiin Siyaasadeed la gasho Dowladda Afghanstan.
Mareykan durbaba wuxuu billaabay inuu ciidanka kasoo saaro. Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay milatariga, ilaa 8,600 oo askari ayaa laga soo saari doonaa muddo 135 cisho gudahood. Ciidanka Mareykanka ee Afganstan jooga ayaa hadda ah 13 kun. oo Askari ,Waxaana Maraykanka lagaga Laayay Dalka Afghanistaan Askar Gaadhaysa 7000 oo Askari Waxaana Lagu Dhaawacay Tiro ka Badan 100000