DAGAALKA CEEL-AFWAYN Waxaa La Yidhi Xaajo guracantay Raggeedii Baan gelin.

Tix Gabaya, Oo Ku Saabsan Dagaalka Ceel-Afwayn
W/Q Cabdixaafid Axmed Hurre.
Ehel diriiray Uun wada dhashoo loo abtirinaayo
Ilmaadeer Colowdoo  dil iyo Aano kala gaadhay
Ajal baxaysa Ooryaha goblamay Eelka dabayaala
Utun Laga heshiiyoo haddana Aarsi dabajoogo
Aradkii Sanaag iyo Warkaa Oogo laga keenay
Mar haddii irdaha Labada qolo Eedi kala gaadhay
Wayadan isaaq  Barri  tashiga ooda laga Saarye
Iyadoo Ergadii loo diroo Nabad La’ Eegaayay
Kol haddii ataag kale dhacoo Oloshay baaruudu
Armi lagu gadaamiyo sharcigu waa edbinayaaye
Ardaayadan lamaan Maxa,isku diray waa Ibtilo Wayne
War Maad  kala ajoootaan  tol,ways anafa qaataaye.

cabdixaafidm2016@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker