Ninkii Muslim iyo Gaalaba u soo gurmadeen , isagoo wixii ummad u hadlaysay aan u mahadniqin, ayuunbu aad yar Adeerkii u tagin.

Walle waa Cajiib:Horta wax Cajiib ahiba Somaliland ma jiraan, waayo dhammaanteen shucuubteena bahashaas uraysa ee Qabyaalada ah ayaa dhegaha iyo indhaha ina tirtay. Balse wax waxbay ka daranyihiine Ninkaan islaha waa Hadraawiga Jiilka Cusub ee Xaqdarrada lagu xidhay, ee Muslim iyo Gaalaba u soo gurmadeen lababa isa saarayo isma saarin, isagoo wixii ummad u hadlaysay aan u mahadniqin ayuunbu aad yar Adeerkii u tagin.

Hawtagbe Sida lay xaqiijiyay raggii Abwaan Weedhsame iyo Abwaan Yuusuf Shaacir oo siwayn ugu dagaalamay intuu Telefoonkii ka qaban waayay ayuunbu Wiil Muuse Biixi dhalay gaadhi ku qaaday oo Boorame geeyay. Oo tollow muxuu Cabdiraxmaan Abees habeenkii Maansoor hadda la ooyaayay, Masidii Cadaani ayuu Masrixiyad dhigaayay? sideeba Dhalinyaradda loo aaminaya haddii kii soo bidhiiqaba dhuuni iyo qabyaaladi hoggaamiso Madaxweyne Muuse Biixi khaladkii Cabdiraxmaan Abees lagaga galay ma qirin,cidda Booliska qabanaysa haday ummadda ku gafaan kama garaabin sidii Wiil uu adeer u yahay ayuu ula hadlay oo uu ku yidhi “ In Aanad cadhoon oo waliba shirka noogu timi ku mahadsanid “. Kkkkk

 

Cabdiraxmaan Abees halba seegtay, Madaxweynaha-na halbaa seegtay, Wiilka Muuse Biixi dhalayna midhbaan farayaa. Madaxweynaha waxa seegtay inuu qirto gefka Boolisku ummaddiisa ka galo oo uu dib isugu noqdo xukuumaddiisuna Booliska ka dhigto amma u hawlgasho in Ciidamadasi aanay aayad ahayne laga dhigo saxiibka Shacabka.

Cabdiraxmaan Abees waxa seegtay inuu Dadka kaleba iskadaayo Aabihi qadariyo oo uu la tashado, ummadii u hiilisayna u mahadnaqo halgankiisi shacabka uu Ugu hadlaayayna magacbaabu ka helaye halkii ka sii wado. Hadraawi iyo Gaariye iyagoo isaga ka yar ayay Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliya la odhan jiray ee Maxamed Siyaad Barre waxaad doontaan sheegta la dooran siiyay, “Diidnay ee Dulmiga daa ayay dhaafsadeen “ 30-Jiro iyo ka yar ayay ahayeen…

Wiil ka Muuse Biixi Madaxweynuhu dhalay… Midhbaan leeyahay: Adeero Aabaha wuu ka xanaaqi jiray Dadka aan la dooran ee maamulka awooda ku Leh. Siilaanyo Wiil uu dhalay waligeed lama arag . Adeer Maxamed Yarow In eedayn ku filan Aabaha ayaa siyaasadda u galaye adigu hadaad dhawdee intaanay magacyo ku bixin isaga durug. Igaba dhan.

 

Muniir Axmed Cigaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker