Heshiis Hordhac ah oo ay wada Gaadheen Milatariga iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee Dalka Suudaan.

 

 

 

 

Hoggaamiyeyaasha kooxaha u ololaynaya dimuqraadiyadda dalka Suudaan ayaa waxa ay wahadallo fool ka fool ah la yeesheen maamulka milateriga ee ay doonayaan in ay xilka kala wareegaan.

Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Khartuum lagu xiray dhawr sarkaal oo sarsare oo xulafo la ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan al-Bashiir.

Wadahadallada u dhexeeyo milatariga iyo kooxaha dalbanaya in maamul rayid ah lagu wareejiyo xukunka dalka ayaa ku soo dhamaaday ballanqaada ah in maalmaha soo socda la fulinayo dalabka shacabka.

Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay cadeeyeen dalabkooda, ayna isku afgarteen in lasii wado wadahadallada, si xilwareejintu ugu dhacdo qaab nabad ah.

Waxa jirtay rajo laga qabay in dabayaaqadii todobaadkan ay dallada xirfadleyaasha Suudaan oo ah kooxda hormuudka ka ahayd dibadbaxyada ay ku dhawaaqaan xukuumad isku dheelitiran, balse taasi wali ma dhicin.

Waxaa sidoo kale jira warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dhawr qof oo ka mid ah raggii ugu sarreeya dowladdii hore ee Cumar Al-Bashiir ee xukunka laga tuuray la soo xirxiray.

Sidoo kale saraakiil sarsare oo ka mid ahaan jiray hay’adda sirdoonka qaranka ee dalkaasi Suudaan ayaa shaqada laga eryay.

Tallaabooyinkan ayaa loo qaaday in lagu mideeyo awoodda maamulka cusub ee milatariga ah hase ahaatee sidoo kale waxay jawaab u tahay codsiyada qaar ee dibadbaxayaasha.

Sidoo kale tallaabooyinka ayaa ah kuwo muhiim ah balse waxay u muuqataa in aysan soo afjari doonin dibadbaxyada isbadalka lagu dalbanayo.

Suudaan

Arrintan ayaa imaameysa iyadoo shalay dacwad oogaha dalka Suudaan uu sheegay in uu billaabay baaritaan uu ku sameynayo madaxweynaha xilka laga tuuray ee Cumar Xasan al-Bashiir, kaasi oo loo haysto eedo ah inuu si sharci-darra ah lacago isugu kala gudiyay iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad.

Guddiga la dagaalama musuqmaasuqa ee uu sameeyay goblaha milateriga ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doolar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo doolar.

Lacagtaasi ayaa haatan waxaa lagu shubay Bangiga Dhexe ee dalkaasi Sudan.

Suudaan

Al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday.

Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker