Wiil walaalkiis ka yaraa si argagax leh ugu dilay gudaha magaalada Baledweyne

Faahfaahino dheeraad ayaa kasoo baxaya dil naxdin badan oo gabal dhacii Shalay ka dhacday xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu walaalkiis ka yaraa si arxan daro ah u dilay.
Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sharmaake Muuse Saxanjadiid, waxaana dilkiisa geystay walaalkiisii ka weyna oo lagu magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxanjadiid.

Dilkaan ayaa yimid sida la sheegay kadib markii labada wiil ee walaalaha ah ay isku khilaafeen goob laga qodi rabay Suuli, waxaana khilaafka uu sababay gacan ka hadal keenay in ninka ku eedeysan dilka walaalkiisii ka yaraa inuu u adeegsaday birtii lagu qodi rabay Suulida sidaasna uu ku dhintay marxuumka.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo badanaayay gudaha dalka, waxaana xusid mudan in shalay magaalada Muqdisho hooyo dhimirka ka xanuunsan ay ku dishay caruur laba ah oo ay dhashay.

Waxaana sidoo kale isla Shalay gaari nooca aan xabada karin laga dhex helay meydadka nin iyo xaaskiisii hore oo aan la ogeyn sababta ka dambeysa geeridooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker