Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Muujiyay Awoodiisa ka dib markuu magacaabay Gudida diyaarin doona sharciga Doorashooyinka Dalka
Muqdisho (OWN) – Guddoomniyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magacaabay guddi KMG Ah oo soo diyaarin doono sharciga doorashooyinka dalka, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Guddigan oo laga soo dhex xulay golaha shacabka ayaa ka kooban illaa 15 xubnood , waxaana shaqadoodu ay noqon doontaa hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka Qaranka.
Sharcigan ayaa bishii May ee sanadkan waxaa soo meel mariyey golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ansixinta sharcigaasi ayaa waxaa ka dhashay muran iyo dood badan, iyadooo loo arkayay inuu awood gaar ah siinayo madaxtooyada iyo xukuumadda Soomaaliya.
Tallaabadan uu qaaday Mursal ayaa u muuqata mid uu ku muujinayo awoodiisa , uguna hortagayo in si deg deg ah lagu meel mariyo sharcigaasi ay xukuumaddu ansixisay, taasi oo horseedi karta dagaal siyaasadeed cusub oo ka dhex qarxa isaga iyo xukuumadda.
Halkan hoose ka aqriso:
Warkaas oo faahfaahsan halkan hoose ka daawo.
https://youtu.be/AYqZi7zZwdQ?t=2