Beesha caalamka oo walaac ka muujisay xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland

Hargeysa (OWN) – Xubnaha beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Somaliland, gaar ahaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka ee Dawladaasi.

Waranka ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay Beesha Caalamku is gaar ah uga walaacsan tahay mudda kordhinta loo sameeyey labada gole.

“Waxan si Gaar uga Walaacsannahay Muddo kordhinta Loo Sameeyay Labada Gole,, ayaa lagu yidhi qoraalka.

Sidoo kale waxay beesha caalamku intaasi ku dartay ”Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqeen sumcadda dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo heerka caalamiga ah. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahay xariga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka.”Dhinaca kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la ixtiraamo heshiiskii xisbiyada iyo xukuumadda ee bishii Luulyo 2019-ka, si loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca maamulka Somaliland.

Waxa kaloo beesha caalamku sheegtay inay ka walaacsan tahay Cabudhinta lagu hayo siyaasiyiinta iyo wariyeyaasha ka howlaga deegaanada Dalkaasi.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadeed inay ka shaqeeyaan degenaashaha iyo xaqiijinta doorashooyinka guud ee Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker