Xog: Maxaa sabab u ah in Ex.Wasiir Cali Mareexaan uu isu rogo Mucaarad Iyo Sababta Dhaliilaha Maayar Muraad Ka Danbaysa.

Ex Wasiirkii Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan (Cali marexaan) oo ahaa wasiiradii  xukuumadda Siilaanyo ayaa dib u noqday mucaarad ka dhan ah dawladda Madaxweyne Biixi oo ay muxaafad iyo isku siyaasad ahayeen .Ex Wasiir Cali Xasan (Cali marexaan) oo xilal ka soo qabtay xukuumada Siilaanyo ayaa ahaa wasiiraddii ugu musuq-maasaqa Badnaa. sabab-taasina waxa ay saamayn ku yeelatay siyaasadiisa waxaana la sheegay inuu faro madhan kala kulmay Madaxtooyada lagana yasay. 
Hadaba Maayarka Magaaladda Burco ayaa waayadani dhaliilo u soo jeedinaayey Xukuumadda Madaxweyne Biixi , Isagoo hantiddii qaran ku soo uruurinaayey xildhibaano iyo dhalinyaro uu ku sheegay inay ka soo horjeedaan qaabka ciyaaraha dowladdaha hoose ee dalka loo maamulay iyo in Hargeysa Saami farabadan qaadatay. ka-dib markii uu ku fashilmay inuu soo diyaariyo mar hore team ku ciyaara magaca dowladda hoose Burco. Arintu ma ahayn marnaba sababta dhaliilaha maayarka iyo kooxaha uu soo abaabulay ay soo bandhigeen. Sida aan ka soo xiganayno xogogaalo Ayaa sheegay in Cali Marexaan dadkani uu dabadda ka riixaayo. 
Arrinta uu ku kacay Ex-wasiir cali marexaan ayaa la sheegay in laga helay Caddeyno iyo marqaati isla markaasna uu dhaliilaha Maayar Muraad ay salka ku hayaan mucaaradad uu wado oo ka talo-qaato Ex- Cali Xasan (Cali marexaan), dhlaiilaha maayarka iyo dadku uu abaabulaayo waxay hoos ugu sii dhaadhacaysaa arin la ogyahay  uu ka danbeeyo Cali Xasan (Cali marexaan) uu noqonaaya shaqsigii ugu horeeyey ee xil waayey ee dhaliila dowladda. iyo dhaliilaha maayarka Burco u soo jeedinaysa iyaduna waxay u hoos dhigaysaa quus rajaddii . kadib markii uu si sahlan ku waayey xilkii uu raadinaayey.
Cali Marexaan oo markii hore amaan kala duldhici jirey Madaxweyne Muuse , Ayaa Arrintani iminka dhalatay ee Isticmaalka Maayarka Burco waxay muujinaysaa xushmad la,aanta dadku marka xilka waayaan iyo mucaaradad siyaasdeed oo xil wasiir lagu raadinaayo. 
Ugu Dambeyntii Ex- Wasiir Cali Xasan (Cali marexaan) ayaa iminka u muuqanaaya mid u tafaxadeynaaya ishortaaga dowladda Muuse Biixi. isagoo adeegsanaaya Maayarka Magaaladda Burco.
Hadaba dhaliilaha Maayarka Burco u jeedinaayo qaar ka midda masuuliyiinta xukuumadda Muuse Biixi. Ayaa waxaa sabab u ah  cadho ka dhalatay Wasiirkii hore hawlaha guud cali marexaan oo ahaa wasiiradii ugu musuqa badnaa ee Somaliland soo maray. sababtaa awadeed xilkaasi laga hor istaagay ayaa waxaa iminka la soo warinayaa in Cali Marexaan. isticmaalka Maayarka iyo abaabulkiisa uu ku raadinaayo xil ku raadinaayo kadib markii uu ku fashilmay.
Siciid A. Wersame
Burco/S/land.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker