Mareykanka iyo Midowga Afrika oo ku baaqay in lasoo nooleeyo dadaallada xabbad-joojinta Itoobiya.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka ayaa la kulmay Ra’isul Wasaare ku Xigeenka dalka Itoobiya maalintii Khamiista, si ay u soo nooleeyaan wadahadalladii xabbad-joojinta ahaa, iyada oo dowladdu oggolaatay in 369 baabuur oo gargaar ah ay galaan gobolka Tigray ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Jeffrey Feltman iyo Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika ayaa Khamiistii gaaray dalka Itoobiya, waxaana labada ergey ay doonayaan in xukuumadda iyo ciidamada kacdoonka wada ee Tigreega iyo xulafadooda ay ku dhawaaqaan xabbad- joojin shuruud la’aan ah, ayna oggolaadaan in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo deegaannada Waqooyiga Itoobiya ee ay dagaaladu saameeyeen.

Feltman ayaa markii dambe la kulmay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonnen.

“Intii lagu jiray wadahadalkooda, Demeke wuxuu shaaca ka qaaday in duullimaadyada bini’aadantinimo loo oggolyahay Lalibela iyo Kombolcha, waxaana intaas dheer in 369 baabuur oo gargaar ah loo oggolaaday inay galaan Tigray,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Twitterka waaxda agaasinka warfaafinta ee dowladda Itoobiya.

Ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay maamulaan Lalibela iyo Kombolcha oo ka tirsan dhulka Axmaarada, sidoo kale waxay u dhaqaaqeen qaybo ka mid ah gobolka Canfarta.

Ku dhawaad 400,000 oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku nool yihiin xaalad macaluul ah gobolka Tigray, halkaas oo Qaramada Midoobay ay Khamiistii sheegtay inay awoodi waysay inay cunto geyso muddo bil ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in inta badan hooyooyinka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ee halkaas ku sugan ay hayso nafaqo-darro ba’an.

Dowladda ayaa beenisay eedeymaha uga yimid saraakiisha Qaramada Midoobay ee ah in ay wado go’doomin dhab ah.

Hogaamiyayaasha xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa doonaya in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu xilka ka dago, gargaar bini’aadantina uu galo Tigrayga. Dawladdu waxay doonaysaa in ciidamada Tigreega ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen gobollada deriska la ah.

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker