Shacabka Berbera oo Dalbadey in Gacanta Dowladda lagu soo Celiyo Haamaha Shidaalka Berbera

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa dawladda ugu baaqay in maamulka haamaha shidaalka Berbera laga wareejiyo shirkaddaha gacanta ku haya, isla markaana dib loogu soo celiyo gacanta xukuumadda Somaliland.

 

 

Dadweynaha oo la hadlaywarbaahinta  ayaa xukumadda ugu baaqay in ay qaado Masuuliyada shaybaadhka Shidaalka iyo maamulka haamaha kaydka shidaalka Berbera oo ay sheegeen in ay gacanta u gashay dad aan u tudhayn dalka iyo dadka midna.

 

 

“Haddii aanu nahay shacabka ku nool Magaalada Berbera waxa aanu soo dhawaynayaa in shaybaadhka Shidaalka iyo haamaha kaydka Berbera si degdeg ah dawladdu ula wareegta, sababta oo ah iyada ayaa ummadda ka masuul ah,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Shagax oo ka mid ah dhallinayarada Magaalada Berbera.

Dadweynaha ayaa sheegay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ee gacanta ku haya ilaha dhaqaale ee degmada Berbera ay ka muteen khaasare iyo dhibaatooyin, iyaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa ay yidhahdeen “waa in gacanta dawladda dib loogu soo celiyaa haamaha iyo shaybaadhka shidaalka, si looga baxo khasaaraha iyo dhibaatoyinka inaga soo gaadhay intay shirkadaha gaarka loo leeyahay gacanta ku hayeen.”

 

 

Golaha wakiillada Somaliland oo cod aqlabiyada ku laalay mooshin ay xildhibaanad qaar ku doonayeen in gacanta dawladda lagu celiyo haamaha shidaalka ayey shacabku dhaliileen, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa, “Baarlamaanku markooda horeba sharci kuma fadhiyaan, iyaga ayaana waddanka kharibaaya oo siday doonaan ka yeelayaa, markaa xukumadda waxa aanu ka codsanaynaa in ay gacanteeda ku qabato oo kula wareegto.”

 

Oodweynenews Hargeysa office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker