Maxamed Yuusuf Xaaji Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Soomaalida ee dalka Kenya oo Geeriyooday

Waxaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya ku geeriyooday Allaha u naxaiistee wasiirkii hore ee difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo muddo dheer kamid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalka Kenya. wuxuu ahaa 80 jir.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya ayaa waxaa geeridiisa idaacadda BBC-da u xaqiijiyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna laga soo doorto magaalada Gaarissa.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay”, ayuu yidhi Aadan Barre Ducaale.

Galabta ayaa lagu aasi doonaa qabuuraha Musliminta ee Langata, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday barasaab gobolka Rift valley intii u dhexeysay 1970 iyo 1998 iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker