Ururka ONLF Oo Rajo Xumo Ka Muujiyey Isbedalka Cusub Ee Hoggaanka DDSI Ethiopia.

Jabhadda ONLF ayaa ka hadashay isbedalka lagu sameeyey hoggaanka cusub ee maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii xilka uu ka degay madaxweynihii hore ee maamulkaasi, islamarkaana madaxweyne cusub loo magacaabay.

Afhayeenka ururkan C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in aanay wax micno ah ku fadhiyin isbedalladan, islamarkaana aanu jirin wax soo kordhaya.

Waxa uu sheegay Hirmooge iney ahayd in Soomaalida loo daayo taladeeda, balse isbedalkaan uu yahay mid ku yimid cadaadiskii Milatariga Itoobiya.

“Kolley ma qabo iney wax soo kordhineyso middan, sababtoo ah waxay ku timid cadaadiskii Milatariga, shaqsiga xilka qabtayna wuxuuba ka mid ahaa raggii wasiirada ka ahaa maamulkii Cabdi” ayuu yidhi Hirmooge.

Dhanka kale, Hirmooge ayaa soo jeediyey in shacabka Soomaalida ah iyaga loo daayo aayahooda si ay u sameystaan hoggaan la xisaabtamada Itoobiya, islamarkaana soo dhiciya wax walbo oo horey dadkaasi uga qaadatay dowladda Itoobiya waa sida uu hadalka u dhigaye.

DDSI ayaa shalay loo magacaabay madaxweyne Cusub, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar uu xilkaasi iska casilay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker