Dawlada Sacuudi Carabiya oo dal ku Galkeeda U diiday 9 Wadan oo laga helay Coronavirus

Riyadh (OWN) – Dowladda Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay xayiraad toos ah oo dhanka Safarada ah kusoo rogtay qaar ka mid ah wadamada laga helay Cudurka Corona-Virus oo si aan caadi aheyn ugu faafayo adduunyada.

 

Sacuudiga ayaa sheegtay inay Xayiraad kumeel gaadh ah kusoo rogtay Safarada Muwaadiniinta u dhashay  illaa 9 Wadan oo laga helay Cudurka Coronavirus.

 

Dowladda Sacuudiga ayaa Sababta xayiraadaas ku sheegtay inay tahay sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurkaas oo gilgilay dunida oo dhan kaasoo markii hore kasoo bilowday wadamada Shiinaha.

 

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga oo  marka lasoo gaabiyo Loo yaqaan SPA ayaa sagaalka Wadan  ee Muwaadiniintooda  Xiyiraadda la saaray ku kala sheegtay:

 

 

  • Imaaraadka
  • Baxreyn
  • Lubnaan
  • Kuwait
  • Kuuriyada Koonfureed
  • Masar
  • Suuriya
  • Ciraaq
  • Iyo Talyaaniga

 

 

Sidoo kale Wakaaladda SPA ayaa sheegtay in go’aanka uu la socdo amar kale oo ah in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhammaan muwaadiniinta wadamadaan kasoo jeedo ee Sacuudiga soo galay 14-kii maalin ee ugu dambeysay.

 

 

Sidoo kale waxaa lasoo saaray Amar lagu joojinayo Duulimaadyada Hawada iyo Badd oo  u dhaxeeyo Boqortooyada iyo dalalkan Sagaalka ah ee Cudurkan laga helay.

 

Cudurka Coronavirus ayaa maalinba maalinta ka dambeyso kusii faafaya wadamo cusub oo ku yaalo Adduunyada, waxaana ilaa hadda lagu guuleysan la’yahay sidii looga hortagi lahaa faafintaanka cudurkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker