OGEYSIIS MUHIIM AH JAALLIYADDA DALKA HOLLAND

ISKU TASHI IYO ISKU TIIRSANAAN BUU QARAN KU TAABBA GALAA.

Walaalayaal siddaad la wada socotaanba waxaa fooda nagu soo haysa xafladdii sanad guuraddii 27 ee kasoo Wareegtay kolkaan la soo noqonay qaranimadeenii muda dheer naga maqnayd.
Xafladda 18 may waa maalin nooga duwan maalmaha kale. Waa maalin aan adduunwaynaha tusno qaranka Somaliland iyo shacabka reer Somaliland waxay yihiin iyo sidday u jecelyihiin waddankooda barakaysan Somaliland.
Sanadka waxaan idinka codsanayas haddaanu nahay Ururka NOMAD iyo Jaaliyada guud ee Somaliland Holland, fadlan waddanka gudihiisa iyo qurbo joogaba in maalinta Jimcaha ah bishuna tahay 18 may 2018 in muwaadiniinta reer Somaliland calankeena qaayaha iyo qiimaha leh ay surtaan guryahooda hortooda.
Fadlan fariinta aynu is wada gaadhsiino meel walba oo aynu ka joogno adduunka.
Somaliland guul
Guddoomiyaha Ururka NOMAD Holland.
Cabdiraxman Bare Cisman

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker