Siyaasi ma faanbaa mise waa shaqo mase jiraa qof siyaasi ah ama magacaasi leh ?

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda warbaahinta iyo akhristaayasha sharafta leh waxaan kunsalaamayaa salaamta islaamka’ascww’
Intaasi kandib waxaad inta badan dadkeena ka maqleysaa siyaasi hebel iyo hebel waa siyaasi!
Iyada oo dadka qaar ay ka dhigayaan faan iyo wax weyn inta badana eryadan waxa adeegsada dad reer somaliland.
Hadaba qofka goorma ayaa uu siyaasi yahey? Amse loogu yeedhi karaa?
Erayga siyaasi ย ma noqon karaa faan ama wax fiican?
Hadaan isku dayi labada suaalood ee u horeeya,aan wax yar ka idhaado aqoontayda yar.
Anigu waxaan qabaa siyaasi waxaa ah ama loogu yeedhi karaa qofka markaasi hogaaminyaan xisbi siyaasadeed una socda in uu ummada wax u sheego oo ay doortaan markaasi ayuu qofku siyaasi yahey ย ama loogu yeedhi karaa inta kalese waxa loogu yeedhi karaa ย magacyada kale ee markaasi haysto.
Faan iyo amaan ย maahan ย erayga siyaasi ee waa ย xil, waxaad moodaa in dadkeenu ay u haystaan amaan ama wax fiican maahan ee xil uu qofku markaasi hayo , maxaan uga jeedaa qofkasta oo meel ka ย hadal looguma yeedhi ย karo siyaasi ilaa iyo hogaamiye xisbi siyaasadeed mooyaane qokaasina waxa ka dhigay ama magaacsi siiyey waa meesha uu joogo iyo xilka uu hayo markaasi.
Ugu danbey ย dadka waxaan ku dardaaryaa in ay marka hore macnahiisa fahmaan eryada ay leeyahiin balse qofku aan iska isticmaalin wax aanu fahmin macnahiisa.
Qore: Tahir hussein
geesiga244@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker