Masuuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Cisbtalka Ku Booqdey Sh Aadan Siiro

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), guddoomiyaha Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde iyo weli ba Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, ayaa caawa fiidkii Cisbitaalka Gargaar ee Hargeysa ku soo booqdey Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray ( Sheekh Aadan Siiro) oo xaalad caafimaad u jiifa cisbitaalkaasi.

Sheekh Aadan Siiro oo maanta xaalad caafimaad loo soo dhigay Cisbitaalka, ayaa mas’uuliyiintaas uga waramay xaaladdiisa caafimaad isaga oo sheegay in uu hada aad u wacan yahay isla mar ahaantaana uu ku jiro xaalad baxnaano.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro Iyo Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde Oo Cisbtalka Ku Booqdey Sh Aadan Siiro

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay, ayaa iyagu na Alle uga baryey in uu caafimaad sareecan ah siiyo isla mar ahaantaana uu ka dulqaado xanuunka haya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker