Mahad-sanid Madax-weyne,Wasaaraddii Maaliyadda Waad U Hiilisay Oo Waxaad Keentay Wehelkeedii!!!

Xukuumadda uu  gadhwadeenka ka yahay Muuse biixi Cabdi,waxay waqtigii Ololaha qaadday ballan qaadyo-badan oo salka ku haysa horumarinta dhamaan adeeg-yadda Aas-aasiga ah ee bulshada Sida caafimadka,adkaynta Nabad galyada,Wax-barashada,Horumarinta iyo dhisamaha jiddadka casriga,Wax-soo saarka dalka oo kor loo qaado,dhammaan kuwaas iyo qaar kale oo fara badan waxay ahayd Barnaamijkii buuggii Kulmiye kusoo kaalin gallay mar labaad Doorashadii dalka ka dhacday.

​Wadankana ay  halbawle  u tahay,waxa uu si aqoon-Waayo aragnimo,Karti iyo Dedaalkii shakhsi leh kasoo xushay dhalinyaradda Hirgalinta qorshihiisii kaga dhabayn karta,waxaanu Wasaaradda Maaliyadda u soo xushay,shakhsi dhamaan Bulshda Somaliland La dhacsan yihiin Qorshayasii iyo qaaab socod siinta Hawlihisa shaqo,boggaadin iyo Hambalyana Waxay dusha uga tureen Madaxweyne Muuse Oo markii laga dhex dheegtay Wasiiradiisa garrawsaday in cagta la sarray dhabbihii Horu-socodka iyo Horumarka.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Jsl,Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi oo muddo ku siman 3 bilood wuxuu hayaya xilka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda .Muddadaas yar ee ku siman 100 ka cisho,waxa  uu ku talaabsaday Horumar iyo waxqabad la tabaan karo,isla markaana uu qof kastaa indhiihiisa ku arki karo dabaysha  horumarineed ee hadda uun Inniinteedu  ka hanaqaaday Wasaaraddi Maaliyadda.Wasiir Yuusuf ayaa waxa uu  noqday shakhsi ku suntan waxqabad iyo horumar isla markaana si hawlkarnimo,dedaal iyo karti badan ku fuliyay muddo kooban waxqabad ballaadhan oo shacbi waynaha caasimad jamhuriyada Somaliland ku hambalyeeyen horumarka aan kala joogsiga lahayn ee uu ka wada guud Waaxaha Maaliyadda ee Dalka.Wasiir Yuusuf Waxa uu noqday  xidig iyo iftiin hadda uun ayWasaaraddi Maaliyaddu heshay

Yuusuf Maxamed  waa aqoonyahan  waa aqoonyahan dhalinyaro ah isla markaana leh aqoon jaamacadeed,midka u saraysa waliba takhasuskiisu yahay nidaamka Maaliyadda (public finance Management,Puplic admistarion,waxaana u dheer mid waayo aragnimo badan leh oo wuxuu ku dhawaad 20 sanno ee u danbeeyay  ka soo shaqaynaya Wasaaradda Maliyadda.

​shaqaale waynaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa wasiir Yuusuf ku sifeeyay Masuulkii ugu haboona ee Wasaaradda Maliyadda Soo mara waxaa “Waa shakhsi hidde iyo hibo hogaamineed oo uu si buuxda ugu kasban karo uguna gudan karo waajibeedkisa shaqo ee uu xanbaarsanyahay xilka loo igmaday” Tani waxay saldhig u noqotay in Md Yusuf muddo yar gudahed ku kasbado sumcad iyo waxqabad dhamaan bulshadu ku diirsatay.

Guntii iyo Gababagadii waxaan qoraalkaygan kusoo afmeerayaa Wasiirka Maaliyaddu  muddo yar gudaheed ayuu horumar balaadhan ku talaabsaday,waxaanu waliba qaban doona waxqabadyo badan oo waliba taarikhda gali doonaWasaaradda Maaliyadda,iyo Dhamaan shacbi Wayanaha Somaliland  Waxay  hamblyo u dirayaan Madaxweynaha  Somaliland oo Wasaaraddi Maaliyadda u hiilayay markuu masuul hawlkarnimo,xilkasni iyo waayao aragnimo shaqo u leh ugu hiilayay Wasaaraddii Maaliyadda.

Cabdi Ahmed

Cabdiahmed9809@gmail.com

Hargeisa Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker