Saddex askari oo Israa’iili ah oo lagu dilay meel ku dhow xadka Masar

Saddex askari oo Israa’iili ah ayaa lagu dilay qaar kalena waa lagu dhaawacay weerar uu nin hubeysan ku dilay askartaas meel ku dhow xadka Masar sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in nin iyo haweeneey askar ah la toogtay subaxnimadii Sabtida.

Meydadkooda ayaa la helay kadib markii la waayey xiriirkooda. Kadibna waxaa la bilaabay howlgalo baaritaanno ah, howlgalkaas oo lagu hareereeyay qof la sheegay in uu ahaa kii weerarka geystay.

Intii ay socotay is-rasaaseynta waxaa ku dhintay askari saddexaad oo Israa’iili ah iyo ninkii hubaysnaa.

Dhacdadan ayaa dhacday saacado uun kadib markii isku day lagu doonayey in xadka lagusoo geliyo maandooriye howlgal lagu fashiliyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker