Ganacsatadii Shidaalka wasakhaysan keenay Berbera, oo Wasiiradii Siilaanyo ee Samsam & Moorgan & Khayraha Somaliya ay Sheer ku leeyihiin, oo Muuse Shaani Dartood u diidey ina gacantooda laga wa- reejiyo.

Golaha Baarlamaanka oo weligood Mooshin Quutayaal ahaa, oo Siilaanyo oo
Bad, Bari & cirba iibiyey ay iyagu u fududeeyeen, oo Laaluush & xaaraan ay ku
miisaan, Muhnad, aamina Weris, Moorgan, Weji-xun & Samsam ay duuduub ugu ansixin jireen, wax kasta oo qarimada Wadanka wax u dhimaya.
Wada Hadalka Somaliya oo Maamul Goboleed ka dhigey ay Siilaanyo Durduro
ugu ansixiyeen, iyagoo Dhaqaale ku galay, Haamahaa ayey Ganacsato gaara ku
wareejiyeen iyagoo dano dhaqaale u galay, Miisaaniyada & Tii Berbera ee DPW
ayey Laaluush uu Moorgan, Samsam, Muhnad & sacad ay ku gureen ku ansi-
xiyeen, oo Berberi maanta ciil ooyaysaa, Carab gacanta uu Siilaanyo u geliyey
Baarlamaankuna Xaaraan & aaluush gacanta ugu taageen.
Bal Hadaba, shidaalka wasakhaysan ee Ganacsatada gaar ka ahi keentey ee
Shicibkii wada taabatey, xiitaa Ciidamada, Korantada, Mishiinada oo dhan ayaa
Baarlamaankii iyagoo laaluush & Dano gaara ah ka eegaya, ay ku andacoodeen
gacanta Ganacsatada ayuu ku jirayaa, iyagoo Khasaaraha Shacabka gaadhay
ay ka raaceen, Laaluush, ay siiyeen, Dadkii keenay Shidaalkaasi wasakhasaysan
si aanu gacantooda uga bixin, oo ay kaw ka yihiin, Samsam oo Sheer ku lahayd
iyada & walaakeed xaaji, Moorganka & Aamina eris & xiitaa Khayraha Xamar.
Sidaas Darteed, Muuse Handaraab, 18kii mey wuu bedelay, waa Maalintii
Qaranka, Muuse Shaani Ganacsatadaasi Shidaalka Wasakhaysan keenay waa in
aan la bedelin, ayuu Baarlamaankii ku amrey, oo Mooshinkii laga keenay la joo
jiyey, oo Baarlamaankii Dhamaalkii ay caanka ku ahaayeen loo daadiyey.
Hadaba, wershedo, gaadiid, xafiisyo, Goobo Waxbarasho, adeegii dadweynaha
sida Telefoonada, Kuli haysla wada fadhiistaan, kolkaa Mishiinadii wada kici-
nayey ama ka shaqaynayey, ay wada xumaadaan kolkaa hidaal wasakhaysan
Candhada & Caloosha looga buuxiyo.
Magacii Muuse Handaraan, maantu rumoobey, oo uu 18kii Mey qufuley oo
uu u raray 15ka, Shidaalkii xumaana amrey in Ganacsatadii sidii u keento.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker