Saadaashii Bill Gates ee Corona Virus

Khudbad ay duubeen Shirkadda TED ee martigelisa beraamijaadka TED Talks oo uu marti ku ahaa Billionaire ka caanka ah ee Bill Gates oo ciwaankeedu ahaa “Xanuunka dambe ee qarxa? Uma diyaarsanin”. Khudbaddan oo maalmahan u dambaysa guud ahaanba laga hadal hayo dunida ayaan qoraalkan idinkula wadaagayaa.

 

Bill Gates ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Markii aanu yaryareyn masiibada ugu weyn ee laga welwelsanaa waxa ay ahayd dagaallo la isu adeegsaday hubka culus ee Nuclear ka ah. Laakiin maanta arrintaasi ma aha tan ay tahay in laga welwelo. Ogaada oo tobaneeyaha sano ee soo socda wax 10 Milyan oo qof dili karaa waa cudur aad u faafaya, ee ma aha dagaal. Madaafiic ma jeedo ee waxaan jeedaa Virus. Sobobta aan sidaas u leeyahay waxa weeyaan, waxa ay aadanuhu sanadihii u dambeeyay si xooggan u maalgashanayeen burburinta Nuclear ka dunida, taas cagsigeedana xataa inyar oo irbad caaradeed ah kumaynaan bixin maalgashiga la xidhiidha nidaam lagu joojin karo ama lagu xakameyn karo xanuunada xoogga u faafa “Epidemics”. Sidaas darteedna waxaan leeyahay diyaar uma nihin xanuunka xiga ee xoogga u faafa”.

 

Bill Gates isaga oo dooddiisa difaacanaya waxa uu tusaale ahaan usoo qaatay xanuunkii “EBOLA” ee sannadkii 2014 kii ka qarxay galbeedka Africa waxaanu yidhi “Wakhtiyadii lala dagaalamayay xanuunka EBOLA dhibaatadu ma aysan ahayn in aanu jirin nidaam xooggan oo lagula dagaalamo xanuunkan, laakiin mushkiladdu waxa ay ahayd in aanu gebi ahaanba jirin wax nidaam ah oo lagula dagaalamayo xanuunkaasi. Waxaa jirtay qabyo aad u badan, arrintanina waxa ay ahayd fashil calami ah”.

 

Halkaa marka ay marayso Bill Gates waxa uu bilaabay odoroska mustaqbalka waxaanu yidhi sida tan “10,000 oo qof ayaa ku dhintay 3 waddan oo ku yaalla galbeedka Africa, waxaana jirta saddex sobobood oo uu intaasi in ka badan uga faafi waayay xanuunkaasi; Waa tan koowaade dedaal hagar la’aan ah ayay bixiyeen shaqaalaha caafimaadka ee hawshani ku gudo jiray. Waa ta labaade, dabiicadda Viruska ayaa qayb ka ah, maadaama aanu EBOLA wakhtigaas ku faafeyn hawada. Laakiin, kaliya lagu kala qaadayay is taabashada, taas oo iyaduna keenaysay in qofku markaasi hore xanuunka dartiis ugu dhoco hadhowna hore xaaladiisa loo dareemo sidaasna lagu daweeyo. Waa qodobka u dambeeyee, xanuunkan EBOLA wakhtigii uu faafay ma uusan gelin magaalooyin waaweyn, arrintanina waxa ay ahayd mid nasiib ah. Taasi oo aan ka dhigneyn mar walba waan nasiib badnaanaynaa. Waayo, waxaa soo bixi kara xanuun dadku ay qabaan Virus kii iyaga oo iska caafimaad qaba oo faafinaya. Waxaa jirta arrimo badan oo khatarta ka dhigi karta mid ka khatar badan tii Ebolaha”.

Intaas keddib, Bill Gates waxa uu tusaale usoo qaatay hargab ka bilaabmay waddanka Isbaanishka (Spain) Sannadkii 1918, markii dambena isaga kala gudbay waddanada aduunka ilaa uu dilay 33 Milyan oo qof. Bill Gates isaga oo caddayn usoo qaadanaya khatarta ay yeelan karto xanuun hawada ku faafa ayuu kiiskan usoo qaatay. Intaana waxa uu raaciyay sidan;

 

“Mudaneyaal iyo marwooyin arrintani waa khatar aan la dhayalsan Karin taas oo mudan in walaac laga muujiyo, Nasiib wanaag waxaan dhisi karnaa nidaam caafimaad oo xooggan oo aan kaga hortagi karno cudurrada noocan oo kale ah. Maanta waxaan haysannaa faa’iisooyinka sayniska iyo tiknoolojiyadda hanaqaadday ee aan halkan kaga hadlayno. Waxaan haysannaa moobilo oo aan xogaha si degdeg ah ugu kala qaadan karno. Waxaan haysannaa khariidad online ah taas oo naga caawinaysa inaan ogaanno halka ay dadku joogaan iyo walibana halka ay u socdaan. Waxa intaas inoo dheer horumarka ballaadhan ee laga gaadhay Biology ga taas oo si xawli ah u baddali karta aragtida aan ka haysanno caabuq ilaa aan gaadhno inaanu hindisno daawo iyo talaal ka dhan ah caabuqaas. Tani waxa ay ka dhigantahay in aynu haysanno fudeydiyeyaal, laakiin dhammaanba fudeydiyeyaashaasi waa in laga dhigaa hal nidaam caafimaad oo caalami ah iyo diyaar garoow ka dhan ah xanuunada sida xoogga ah u faafa”. Sidaas waxaa yidhi Bill Gates oo khudbaddiisii badhtamaha kaga jira.

Guntii iyo gabo-gabodii Bill Gates waxa uu soo jeediyay talooyinkan soo socda si wax looga qabta caafimaadka adduunka iyo xanuunada faafa ee dunida.

 

 

1. Sameynta nidaam caafimaad oo xooggan, gaar ahaanna wadannada saboolka ah. Si hooyooyinku si sahlan ugu umulaan, carruurtana si wacan tallaalka u helaan. Sidoo kalena xanuunada khatarta badan xilli hore la ogaanayo.

2. Dhakhaatiir si wacan u tobabaran o oleh xirfadda iyo aqoonta diyaarna u ah in ay hawl-galaan.

3. Lamaaneynta dhakhaatiirta iyo militaryga. Iyadoo laga faa’ideysanayo kartida xooggan ee militariga iyo degdenimada fulinta hawlaha, iyo waliba aqoonta iyo xirfadda mihnadlayaasha caafimaadka.

4. In la sameeyo maaweelo lagu barayo jeermiska.

5. In la sameeyo cilmi-baadhis iyo horumar ballaadhan oo la xidhiidha dhinacyada tallaalka iyo iska daaweyntaba.

Khudbaddan taariikhiga ah ee Bill Gates waxa uu kusoo gabo-gabeeyay sida tan “Mudaneyaal/Marwooyin idiinma sheegi inta ay leekaan karto kharashka saxda ah ee ku bixi karta fulinta dadaaladaasi aan idiin soo sheegay, waxaanse idiin sheegi karaa inay wax walba u qalanto marka la bar-bar dhigo khasaaraheeda. World Bank waxa ay ku qiyaaseen haddii hargab uu noqdo mid epidemic ah in dunida guudkeeda la khasaari doono 3 Trillion, iyadoo intaasi ay dheertahay Malaayiin iyo malaayiin dhimasho ah. Shayga kaliya ee wanaagsan ee laga dhaxlay EBOLA waxa weeyaan in uu inoo ahaa digniin iyo farriin aan ugu diyaar garowno xanuunada kale ee dunidan ka qarxi kara, immikana waa wakhti habboon haddii aan tallaabo qaadno”.

Wakhtiga uu hadalkan jeedinayo Bill Gates waxa ay ahayd bishii afraad ee sannadkii 2015 kii, isaga oo ku sugan magaalada Vancouver ee waddankaasi Canada.

 

WQ: Kamaal Hassan Adnan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker