Daawo Madaxweynaha Masar Oo Dhaariyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Inaanuu Wax yeeli Doonin Saamiga Masar Ee Webiga Niil

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abby Ahmed Ali waxa uu magaca Rabbi ku dhaartay inuusan dalkiisa marnaba waxyeelli doonin Saamiga Masar ee Wabiga Nile, xilli ay Dowladda Masar ka walaacsan tahay Dhismaha Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia ((The Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee laga dhisayo Webiga Niil.

 

Ra’isul wasaaraha Ethiopia waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxweynaha Masar C/fataax Al-sisi xalay ku qabteen Qasriga Itixaadiya ee magaalladda Qaahira.

 

Waxa kale oo uu tilmaamay in sababaha uu u yimid Qaahira tahay sidii loo dhisi lahaa Kalsoonida labada Waddan, xalka Biyaha Webiga Niil, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Ethiopia doonayso inay kordhiyaan Saamiga Biyaha ee Masar.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-sisi waxa uu soo dhaweeyey Niyadsamida uu muujiyey Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo booqasho 2 maalmood ah ku jooga Masar.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu  ka qeyb galay Munaasabad Afur ahayd oo uu Madaxweyne C/fataax Al-sisi ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Qaahira.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker