Dawladda Sacuudiga Oo Xayiraada Ka Qaadaya Dhoofinta Xoolaha Soomaalida

Dowladda Sacuudiga ayaa lagu wadaa in ay xayiraaddii saarneyd Xoolaha Soomaaliya ay qaaddo iyada oo muddo dhawr sano ah aan Xoolaha Soomaaliya loo dhoofin Sacuudiga.

Ilo ku sugan dalka Sacuudiga kana mid ah Ganacsatada Xoolaha ee ku nool dalka Sacuudiga ayaa sheegay  1-da Bisha Ramadaan ay Dowladda Sacuudiga go’aansatay in ay xayiraadda ka qaaddo Xoolaha Soomaaliya.

 

Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha ee Sacuudiga ayaa sheegtay in baaritaan dheer ay ku sameysay waxyaabaha sababay markii horeba joojinta dhoofka Xoolaha Soomaaliya iyada oo markii hore la sheegay in Cudurro laga helay.

 

Inta badan Xoolaha Soomaaliya waxaa laga dhoofiyaa Dekadaha Berbera,Boosaaso,Muqdisho iyo Magaalooyin kale waxaase ay hakad ku jireen muddo dhawr sano ah.

Mid ka mid ah Ganacsatada Xoolaha ee ku sugan Sacuudiga ayaa u sheegay Warbaahinta in inta Xoolaha Soomaalida ay xayiraadda saarneyd uu Sacuudiga ka dhoofsan jiray dalka Jabuuti.

Xiriirka ganacsi oo wanaagsan ayaa ka dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Sacuudiga, waana midda keentay in hadda uu Sacuudiga wado qorshahaha ku aadan in la qaado Xayiraadaasi.

 

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker