Wasiirka Hawlaha Guud Somaliland Oo Amar Kama Dambays ah Faray Maayerka Laascaanood

Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa amar kama dambays ah  ka soo saaray bixinta iyo qorshaynta dhulka magaalada Laascaanood,  waxaanu faray  madaxda degmada golaha deegaanka oo uu ugu horreeyo Maayerka Laascaanood in ay mamnuuc tahay in la bixiyo dhulka Laascaanood ee ka baxsan nashqada magaalada, kadib markii u kuur gal iyo baadhitaan badan ay ku ogaadeen in dhulka Laascaanood qayb weyn ka yahay falalka amni darro ee xilliyad qaar ka dhaca  magaalada Laascaanood.

 

 

Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi, waxa uu intaa ku daray in ay waajib tahay fulinta  amarka uu soo saaray, waxaanu sheegay cid kasta oo ka hor timaaddana in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Waxa kale oo uu wasiirku ka war bixiyay kulamadii ugu dambeeyay ee uu la yeeshay madaxda gobolka Sool iyo dhul ay xukuumaddu ku dartay xabaalaha magaalada Laascaanood, kadib markii ay xabaalahaasi uu dhulku ku yaraaday isla markaana  buuxsamayay.

 

 

Wasiir Qambi, waxa uu  yidhi  ”Waxaan digniin kama dambays ah farayaa, aniga oo ku celcelinaya, dhaqangelinta amar aan ku hakiyey dhulka Laascaanood bixintiisa, haddii uu yahay mid beer xidhasho ah, mid dhul xidhasho, mid mustaqbal danbe ah, dhamaan dhulkaas oo ah mid ka baxsan soohdinta khariiradda magaalada Laascaanood, waxaana laga doonayaa fulintiisa si amar ah Maayerka iyo golaha deegaanka ee degmada Laascaanood, waxaan u cuskaday amarkaa ka dib markii ay noo soo baxday ee aanu  ka fiirsannay, u kuurgalney, in sababaha arrimaha amni darro  soo celcelinaysa uu dhulka Laascaanood qaybta u weyn ka yahay, waxayna noqotay in dhulka bannaan ee ku xeeran degmada Laascaanood lahaanshihiisa, mulkigiisa iyo bixintiisaba ay  qayb weyn ka tahay nabadgelyo darrada ka jirta gobolkaas.”

 

 

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi, waxa uu intaasi raaciyay “Sidaa awgeed waxa aniga oo waajibaadka wasaaradayda raacaya aan hakin ku sameeyey dhulka Laascaanood illaa amar dambe,  dhammaan dhulkaasi waa mid ka baxsan soohdinta nashqadda magaalada Laascaanood, waxaanu noqday dhulkaasi colaad huriye, kaas oo abuuraya xiisado hor leh iyo soo noolayn colaado hore, sidaa awgeed waxaa amarkaa fulintiisa laga rabaa  golaha deegaanka iyo guddoomiyahooda, sidoo kale waxa ogsoon oo ay waajib ku tahay ku ilaalinta fulinta amarkaa golaha deegaanka ee degmadaa gudida nabadgelyada gobolka, sidaa awgeed waxaan ku adkaynayaa iyagoo u hoggaansamaya shuruucda  xukuumada in ay fuliyaan. cid kasta oo uu amarkaasi khuseeyana waxaan leeyahay yaan la sahashan waana la iskulu xisaabtamayaa amarkaas iyo fulintiisaba.”

 

 

Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, waxa kale  oo uu sheegay in xabaalihii  Laascaanood oo dhulkoodii buuxsamay in ay dhan walba hal Kiiloo mitir ugu dareen oo ay ku kordhiyeen xabaalihii magaalada, waxaanu yidhi, “Xabaalaha Laascaanood oo dhukoodu yaraaday, waxaanu ku guulaysanay in aanu hal KM dhan kasta u fidino.”

 

Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland

Cabdirashiid Ducaale Qambi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker