Mudane Madaxweyne 4-ta sanno ee soo socdaba 18-ka May waa Ramadaan dhexdeed.

“Calanyohow dhallaankiyo

Bulshadoo dhan-qalantoo

Xaqeedii la dhacayoo

Dhaqan iyo dhaqaaleba

Laga dhaxal wareejoo

Dhidarkiyo waraabuhu

Qabriga ugu dhacay baa

Rag ka dhiidhiyeenoo

Geeri u dhadhamiyeen

Dheg ilaalintaadiyo

Sharaf dhawridaadee

Dhalashadu May baa?”

Haddii aad u fiirsatid maalinta 18 -ka May sannadaha soo socda 2018, 2019, 2020 iyo 2021, waxay ku beegan tahay bisha Ramadaan dhexdeeda. Haddaba ma sidaas maanta oo kale uun baa looga guurayaa sannadaha soo socdana? sow carruuraha iyo dhallaanku maalintoodii qarranimo  ilaawi maayaan. 

 

Miyaanay iska caadi noqonaynin in marka danbe la yidhaaho ha la iska daayo xuskeeda, hadday sidaa u qiimo liidato. Mida kale muhiim maaha in awoodaada ciidan dadku arkaan, subaxnimada hore ciidamadu way mari karayaan, dhibaatona kuma jirto.  Bal Jaantuskan hoose ka daawo mid kasta waqtiga xisaab ahaan ay ku beegmayso, haddii illaahay ka dhigo.

 

Sannadka        Billowga Ramadan                  Dhamaadka Ramadan

2018                 15 May                                       14 June

2019                 5 May                                         4 June

2020                 23 April                                      22 May

2021                 12 April                                      11 May

Su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay, weligaa miyaad aragtay maalmaha 26 june,  27 June iyo 1-da July oo laga bedelay taariikhda xusitaankooda. Oo Dawladahoodu go’aamiyeen in laga bedelo maalintaas qaran.

Dhinac kale aan kaa tusee, tusaale ahaan 3-dan dal ee muslinka ah mid walba Maalinta qarankoodu  bishan Ramadaan bay ku beegan tahay, dal doonaya inuu maalintaas ka bedelaana ma jiro.  Waana kuwan.

1.       Yemen waxay maalintooda qaranimada ee midowgii koonfurta iyo waqooyigu ku began tahay 22 May 2018, oo ah bishan Ramadaan dhexdeeda  mana jirto cid ka bedeshay.

2.         Jordan waxay maalinta qaranimadoodu ku beegan tahay 25 May, 2018 , waayo waxay Ingiriiska ka xoroobeen 1946-kii. Waana bishan Ramadaan dhexdeeda mana jirto cid ka bedeshay.

3.         Azerbaijan waxay maalinta xornimadoodu ku beegan tahay 28 May, 2018 oo ah bishan Ramadaan dhexdeeda mana jirto cid ka bedeshay.

Isku soo xooriyoo Maadaama maalintani ka mid tahay 11-ka maalmood ee qarankani leeyahay, waxaan weli ku adkaysanayaa in maalintaas qaran loo daayo maalinteeda. Si aanay u noqonin wax dadku iska ilaawaan oo aan qiimo badan ku fadhiyin.

 

Guntii iyo gebagebadii waxaan rajaynayaa in Madaxda xisbigayga KULMIYE iyo dawlada mujaahidku hogaaminayaa maalinta qaranimmada u dayn doonaan maalinteedii oo ahayd 18-May 2018.

 

Mubarak Qoorubaxay
Sweden.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker