MADAXWEYNE MUUSE BIIXI MASUULIYADDII QARANKA IYO MASIIRKAYGIIBA ADAA GACANTA KU HAYA MAANTA. GABOOYAAN AHEE HADDAAN KUU GARDHIGTO, ADIGOON CIDKALE IGU RIIXIN MAAD IGA GARQAADAN.

Madaxweyne waxaad tahay qof aanay waxba ku seegganayn waayaha yaalla dalkeena. Runtii ma jiro qof maanta kaaga aqoon badan siyaasadda ka jirta somaliland. Waxaad tahay qof aan cidi ka badin dhaqankeenna, oo siyaasiyiin badani ay ka madhan yihiin.

 

Jamhuuriyadda somaliland markii la yagleelay waxaanu tirsanaynay inaanu shacbigeena dhib iyo dheefba ula simanahay. Illaa imikana kamaanu rajo dhigin, waayo waa ciidayadii oo meel aanu ku doorsanaynaa ma jirto.

 

Shirkii boorame waxaad ka mid ahayd siyaasiyiintii fara ku tiriska ahayd, gacanta ka gaystay hawshii  ee odayaashii guurtida shirkoodii iyo hawshii ballaadhnayd ee ay isu xilqaameen inay ummadda somaliland colaadihii iyo qabyaaladdii ka dillaacday ay ka badbaadiyaan, oo qaranimada dhidibbada u taagaan.

 

Shirkaa boorame waxuu beelaha Gabooye gaar ahaan uga dhignaa shacbi haybaddii iyo sharaftii ay u oomanaayeen la dareensiiyay. Odayaashii guurtidu markii ay talo ku gooyeen, inaan reero gaar ahi ku keliyays talada masiirka shacbiga somaliland.

 

Waxaan la qiimayn karin go’aankii ay qaateen odayaashii guurtida hoggaaminayay, ee ahaa in reer kasta oo ciidda somaliland ku abtirsadaa talada masiirka ka qaybqaato.

Waxay beelaha gabooye ka mid noqdeen guurtidii toddobada bilood shirkii ku jirtay, iyadoo cidna aan cudud iyo xoog lagu riixaynin.

 

Arrintaasi waxay noo furtay aragti naga dadnayn, waxaananu dareennay inaanu nahay dad ciiddoodii jooga oo sharaf mudan.

Waxaa meeshii ka soo baxay heshiis si laab xaadhan, oo ilgacan lagu wada xisaabtamayo, reerkastana  yuhuun iyo ididiilo galisay. Ka mid baanu ahayn dadkii calooshooda ay ka safaysay waxyaabahii dadka niyad jabka ku abuurayay.

 

Madaxweyne labadii gole ee guurtidu samaysay, waxaa nalaga yeelay si sharaf iyo qaddarin leh, waxaa la na siiyay laba xildhibaan oo guurtida ah, iyo laba xildhibaan oo baarlamanka ah.

Waxaa arrimahaasi loo tixraacay dhaqankeenii hiddaha ahaa ee qaaliga ahaa.

 

Waxaad moodaysay inaanu caddaalad dareemaynay, oo aanu ku faraxsanayn arrintaa guurtideenii ay meel mariyeen in reer kastoo shacbigeena ka mid ahi qaddarin iyo haybad mudanyahay.

Waa markii ugu horreeyay ee aanu dareenay in ummaddeenu caddaaladda iyo walaalnimada aad uqiimayso. Qofkastana walaalnimo iyo kalgacal la tusay.

 

Madaxweyn cabdiraxmaan axmed cali waxuu la kulmay xiisad iyo ummad baahi badani hayso.

Xukuumaddii madaxweyne Moxamed x. Ibraahim, oo la kowsatay dhismihii dawladda ee boorame lagu dhaqan geliyay, rajo ayaanu filaynay iyo sad noo kordha xagga bulshada ama xukuumadda midkastaba. Waxaanu dareensanayn in arrimuhu usocdaan dhinaca san, anaguna ku tashanaynay.

Madaxweyne baahidii dastuurka iyo dimuqraadiyadda loo qabay ee la hirgaliyay, anaguna aanu bidaynay in uu yaraynayo damacii qabiilaysiga, oo ay imanayso ummad dastuurku simayo, oo dimuqraadiyad lawada mahadiyo ay jamhuuriyaddeena ka hana qaadayso.

Madaxweyne dastuurkii ummaddeenu u sinayd, iyo dimuqraadiyaddii shacbiga Somaliland wada mahadiyay, ee ay ku baanaan, waxaanu ka dhaxalay in labadii kursi ee aanu golaha xildhibaanada ku lahayn aanu ku wayno, xukuumadihii kala dambeeyayna aanay na tusin waji diirran, oo aanu ku dhiirrano in malaha weli aanu waanwaan leenahay. Xukuumadihii kala dambeeyay midna kumaanu yeelan kursi  golayaasha, iyo  xukuumadda madaxweynuhu awooddiisa ku magacaabo.

Madaxweyne ilaa maanta waxaanu nahay beesha qudha ee aan isku deyin cudud iyo digniin toona si aanu dawladda ku dareensiino xaqa naga maqan beel ahaan, ee aanu tabanayno, .

Waxaa lana tusay, inaanaan qaranka xaq ku lahayn, markaanu ufiirsano hadaladaa dhagahayaga ka buuxsamay, taas oo ay taladii iyo masiirkii kala jiidanayaan beelaha dhexe iyo beeaha darafyadu.

Waxaan xataa lanoo quudhin in magacayaga la xuso marka la tilmaamayo beelaha Somaliland deggan.

Madaxweyne si walba waa lanoogu sheegay inaanaan ciidda ula sinnayn beelahaa xoogga ku baanaya, ee awoodda sheeganaya markay  istusaan in xaq ka maqanyahay.

Soomaalidu waxay tidhaa waayeel tag lama yidhaa, ee waxuu ku tago ayaa la tusaa. Waxaanse la isweyddiinin inaanaan meel kale oo aanu tagno, ama uguurno aanaan haysan.

Madaxweyne runtii ma nihin reer yar oo aan muuqan, ama tiradoodu yartay. Waxaase dastuurka la tixgeliyay habka uu u daryeelayo beelaha kale, iyada oo aan la tixgelin habkuu noo ilaalin lahaa beeshayada gabooye.

Madaxweyne doorashooyinka deegaanka iyo kuwa baarlamaanka midna kuma soo baxno. Sababtu maaha inaanu tiro yari kuraasta ku waayayno, waxaase jira xeerka doorashada iyo dimuqraadiyadda oo naga hortaagan sida aanu kuraasi ku heli lahayn.

Waxaynu doorashada raacnaa hab dimuqraadi ah, oo qofku dooran karo cidda uu maankiisu siiyo , qofkasta oo kursiga u tartamayaana uu iska sharaxi karo dagmada uu doono.

Halkaa markay marayso waxaa ka dhasha dhibaatada beelaha gabooye oo qudha haysata, beelaha kalena badhaadhe u ah.

Sida degaankeenu yahay beelaha kale oo dhami waxay leeyihiin degaan qabiilo kastaaba mid iska leedahay kuna urursanyiin,  kuraasina loo calaamadiyo. Kursiga degmadaa la dhigo waxuu noqdaa kursi qabyaalad lagu sharciyeeya oo dimuqraadiyaddu ogoshay, waxaana iska sharaxi kara oo qudha ruux qabiilkaa ka soo jeeda.

Halkaa waxaa ka cad inaanaan deegaamada gaarka reeraha ugu suntan kursi ka heli Karin.

Waxaa soo hadhay magaalooyinka waaweyn, oo aanaan kasoo bixi Karin, maadaama dadkii hayb ahaan ugu codayn lahaa musharaxa  beesha gabooye, aanay magaalo qudha deggenayn, ee ay ku filiqsan yihiin magaalooyinka dalka oo dhan.

Magaalo kasta waxaa naga jooga qayb,  dastuurkuna nooma ogola mar haddii codka haybtaada uun aad ka helayso, in dadkayaga magaalooyinka kala duwan kala jooga la isugu kaaya daro codkooda.

Waxay taasi keentay in ruuxa gabooye tolkii meel wada joogin, sharciguna u oggol yahay oo keli ah, inuu degmo keli ah iska sharaxo, inta kale codkooda se aanu xaq u lahayn inkastoo haddii dastuurku u fasixi lahaa ay codkooda usoo diri lahaayeen musharaxa beesha gabooye ee degmo kale iska sharaxay.

Madaxweyne waxaan kaa qarsoonayn in ay jiraan shacbi badan oo niyad wanaagsan, oo aan gabooye ahayn, ase dareensan dhibaatada aanu qabno iyo xaqdarada dastuurka fasirkiisa iyo dimuqraadiyadda kala kulanay. Waxaanu in badan anaga oo ay gacan na siinayaan dad aan la koobi Karin oo ah shacbiga Somaliland, isku daynay inaanu ummaddeena u muujino dhibka nahaysta.

Waxaanu aragnay, ummadda somaliland guddi uu diray madaxweyne siiraanyo ay gobolada dalka oo dhan soo xog waraysteen, shacbiga Somaliland uu muujiyay inay raalli ka yihiin in lana siiyo kuraasi kooto ah.

Waxaa jiray mooshin la hordhigay labada gole inay ka wada doodaan xilligii madaxweyne siiraanyo.

Waxay ayaan darradu ahayd mooshinkaa masiirka beelaha gabooye lagaga doodayay, in aanu dibadda ka joognay, oo aanaan xataa helin inaanu xoogayno dooddiisa, hase ahaatee uu ahaa mid beelaha kale kala horyimaaddeen dood ay ku durayaan, una arkayeen inuu kuraastooda usocdo.

Golahaas oo uu ka dhacay  go’aan foolxun oo taariikhda galay, halka ay ishortaageen 95% xildhibaanadii labada gole, oo uu shirguddoominayay saleebaan maxamuud. Madaxweyne siiraanyo kamaanu helin taageero, iskumanuu hawlin inuu golayaashii aragtidiisa dareensiiyo. Maalintaa ayaanu sawir cusub ka fahanay  inaanay reeraha kale u bislayn inay noo arkaan inaanu talada qaranka ula simanahay.

Madaxweyne waxay soomaalidu ku maahmaahdaa “Nin fadhigaaga arkaaya looma sarajoogsado”, waxayse Soomaalidu tidhaa gar aad leedahay ayaa lagaaga helaa erayga “ma itidhi”.

Madaxweyne wax badan ayaa xusbiyada iyo masuuliinta kale ee qaybaha bulshada ee kala duwani noo carrabaabeen inay nala jecel yihiin inaanu kuraasi ku yeelano golayaasha talada qaranka lagu go’aamiyo.

Madaxweyne beelaha gabooye waxaa ka culays badan erayga ka soo yeedha wiilka qalqaaliya ee beelaha kale.

Madaxweyne mar haddii aad maanta taladii dalka hayso, anaguna aanu tirsanayno dulmi, iyo duudsi xuquuq dastuuri ah, oo reer waliba xaq u leeyahay inuu talada qaranka ka muuqdo, inaad garwaaqsato inaanu qaddarin mudanahay.

Madaxweyne duruufaha waayuhu keeno, iyo waajibaadka muwaadiniinta saran qof kasta waanu ka badsanaa, hase ahaatee xuquuqda ay leeyihiin beelaha kale ee Somaliland u dhashay lama wadaagno.

.

Beelaha Gabooye iyo Haweenka Somaliland waxay kaa mudan yihiin inaad awooddaada dastuuriga ah, iyo masuuliyadda kaa saraan  ugu hiiliso, maadaama aan dastuurku ka horjoogin inay talada qaranka ka muuqdaan. Ase ay ka hortaagantay habka loo fasiray xeerka doorashada.

Madaxweyne waxaanu si qadddarin mudan kaaga codsanaynaa inaad noo raacdo xog ururintii guddidii siiraanyo diray ay soo saareen, oo caddaynayay in shacbiga Somaliland waxba ka qabin sidii xuquuqdayada dastuurka fasirkiisa looga raadin lahaa, kaas oo sheegayay inay bannaantay in naloo raaco xeerka kootada.

Madaxweyne war san oo na farxad galiya ayaanu kaa rajaynaynaa.

Mahadsanid

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London  U.K.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker