Murrashaxiin Ka Xidhnaa Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI Ayaa Xarriyadooda Dib U Helay.

Murrashaxiin ka xidhnaa xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa xarriyadooda dib u helay.

Murrashaxiinta u tartamayay doorashada isku sidkan ee golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa maanta laga soo daayay saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ay in muddo ah ku xidhnaayeen.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay wehelayaan mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyadda UCID iyo WADDANI ayaa saldhigga dhexe ee Hargeysa kaga hortayay Murrashax Qaasim Saleebaan oo xisbiga WADDANI uga tartamaya gobolka Sool.

Guddiga doorashooyinka iyo komishanka xuquuqal iinsaanka ayaa hore u cambaareeyay xadhiga murrashaxiinta mucaaridka ah iyaga oo ku baaqayay in dib loogu soo celiyay xorriyadooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker