Wararkii ugu dambeeyay Qarax gaadhi oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa Miino oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafada Maana Boolyo, degmada Shibis ee Gobolka Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray nin ka mid ah Jaaliyadda Somaliyed ee dalka Yemen, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdalla Axmed Cabdalla (Sheekh Nuur Codey).

 

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Dowladda Federalka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan in uu ku geeryooday Muwaadinkii gaariga lahaa, sidoo kalena ay ku dhaawacantay Haweeney wadada mareysay.

 

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa yiri “Cabdalla ayaa ku geeryooday qaraxan oo ka tirsanaa Jaaliyadda Yemeniyiinta, gaarigiisa ayaa loogu xiray qaraxan, waa un cadowgii ummadda dhibaatada ku hayay ayaa Miinada gaariga ugu xiray, sidoo kale gabar xaafada deganeyd dhaawac ayaa gaaray.”

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in ay ku baxeen falkan Ciidanka ammaanka, ayna baaritaan amni xaqiijin ah ka wadaan xaafada uu qaraxa ka dhacay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen qaraxayada iyo dilalka ay Shabaab geystaan, Hay’adaha ammaanka waxay u muuqdeen kuwo gabay shaqadooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker