Shirkadda Dahabshiil Group Oo Macmiisheeda U Soo Bandhigtay Abaal Marintii Ugu Qaalisanayd ee Somaliland Lagu Bixiyo

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa Arbacadii oo ay taariikhdu ahayd 02.May.2018 waxa ay macaamiisheeda usoo bandhigtay Barnaamijka Muraadso oo ka Macaash oo ah abaalmarinihii ugu qaalisanaa abid ee shirkadaha dalkeenu ay siiyaan macaamiishooda, hadaba Shirkadda Dahabshiil Group ayaa macaamiisheeda ugu bushaaraysay in ay sannadkan Xajka Gayndoonto kharashkoodana bixindoonto ugu yaraan Saddex macmiil ( 3 Guulayste) haddii qof ka mid ahi noqdo Gabadh waxa loo ogolyay muxramkeeduna in uu raaco oo lasoo xajjo dhammaan kharashkana laga bixindoono, sida oo kale shirkaddu waxa ay macaamiisheeda ugu bushaaraysay in ay bixindoonto Gaadhi Cusub oo qaali ah ( Hyundai) oo bacdii uu kusoo degay wali aan laga furin gaadhigaas oo qiimihiisu yahay $14,000( Afar iyo toban kun oo dollar) waana gaadhi Zero KM ah oo aan wali la dhaqajin, intaas waxa dheer oo shirkadda Dahabshiil Group ay macaamiisheeda usoo bandhigtay in ilaa 18 qof ay ku guulaysandoonaan Dalxiis dalka gudihiisa ah gaar ahaana goobaha taariikhiga ah iyo waliba goobaha quruxda badan sida Jasiiradda Sacaadadiin, Ceelsheekh, Berbera, Laasgeel, Gacanlibaax, Buurta Daalo iyo waliba goobo kale oo qurux badan.

Mudada Barnaamijka Muraadso oo ka macaash uu socdo waxa guulaysandoona ilaa 22 Macmiil oo ku guulaysandoona abaalmarino kala duwan sida Gaadhi cusub oo aan hore loo isticmaalin, xajka sannadka iyo waliba Dalxiis hadaba shirkadda Dahabshiil Group waxa ay macaamiisheeda u sheegaysaa in maanta laga bilaabo uu bilaabmay tartankaasi shuruudaha kaliya ee ku xidhanna waa kaliya in aad tahay macmiil Dahabshiil Group ah oo aad isticmaasho adeegyada kala duwan ee shirkadda Dahabshiil Group sida, Simcardka somtel oo aad ka isticmaali kartid qaybta hadalka iyo qaybta internet ka labadaba adiga oo habkan fudud ugu shubanaaya ku shubashada somtel *774*LambarkaMobile-ka*Lacagta# , waxa kale oo macmiilka jecel inuu guulaysto laga rabaa isticmaalka adeegga edahab, adeegga sarrifka shilling ka iyo dollarkaba adiga oo isticmaalaaya edahab, adeegga xawilaadda gudaha ama dibadda adiga oo isticmaalaaya adeegga edahab iyo waliba in uu macmiilku isticmaalo akoonka Dahabshiil Bank dhammaantood waa shuruudo fudud oo qof waliba si fudud u buuxin karo guud ahaana waa in aad tahay uun macmiil ka adeegta ama ku xidhan Dahabshiil Group oo ku leh kusoo dhawoow mar walba gacmo furan iyo shaqaale loo carbiyay soo dhawayn macaamiisha.https://i0.wp.com/somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2018/05/unnamed.jpg?resize=708%2C472

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker