Ii wad sheekada!

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane;Waar heedhe hada ma waxa maraysaan inaa dhaamamkii intaa biyaha ka sii daysaan aa baloodhaysataan?Markaa dhulkii oo dhan cunteen.

Dhaashane;Waar dhaamamkani khatar bay dadka dan yarta ah ku hayaan adeer.Maalin kasta dad baa ku dhinta.Mida kale caafimaad daro badan ayaa ku jirtee waxan ku waydiiyey,Boqor buur madow ma la soo daayey?

Dhaqane;Buur madow adeer waxa xidhay nimankuu lahaa farahay baruuryo ku haystaan,adiga waxan ku waydiiyey tan DPW tu horta dadka ma xasharaad bay u haystaan? ileyn 9 qof baa ku dhintay intay maamulka dekeda hayso hal qof mag kamay bixine.

Dhaashane;Weli idinka mooyee ma arag dad hurumarka iyo maalgelinta dalkooda ka soo hor jeesta.

Dhaqane;Ali binu abii talib(Radhiya laahu canhu)ayaa la waydiiyey,maxaa dadka qariba?

Wuxuu yidhi,ssaddex wax.

1.Markaad meesha nin weyn nin yar dhigto.

2.Markaad meesha caalimka jaahil dhigto.

3.Marka nin aan talin jirine taliyo.

Dhaashane:Horta waad ogaydoo anagu waxaanu ololaha ku galay oo nalagu doortay in shircigu sareeyo.Imikana ama qayliya ama buuqa waxaanu fulinaynaa sharciga.

Dhaashane;Sheekaan kuu hayaa dee .Waxa la yidhi;Islaan odaygeeda ka shakisanayd baa gabadh la joogtay ku tidhi,wac lambarkaa ninkayga oo bal isku day inaad shukaansato.Gabadhiibaa tidhi,weliba samaacadaan furayaa dhegayso.Ninkii bay wacday oo shukaansatay.Ninkii baa ku yidhi,walaalay anigu xaaskayga waan jeclahay naag kalena marabee ii xidh telefoonka.Xaaskiisii ayaa qiirootay oo ku dhaaratay inaanay maalin dambe ka shakiyin.Wax yar ka dib ayuu ninki kusoo celiyey gabadhii telefoon uu ku yidhi,II WAD SHEEKADA waxa ila joogay xaaskayga walaalkeede.Imika inta ana tidhaahdeen sharcaa saraynaya ayaa markaa kursigii fuusheen tidhaahdeen ii wad sheekada sow maaha?

 

 

 

Waa qalinkii;Baxnaan xaaji aden diiriye

Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker