hayada madax banaan ee doorashooyinka iyo xisbiga kulmiye maxaa isku sidkay ?

marka aynu leenahay hayad ama waax ka mid ah dawladnimada macneheedu maaha oo kaliya in gudida fulinta ee wakhtigasi joogtaa ka yeeli karto hadba sidii ay iyagu u arkoodaan, balse waxaa uu xeerka dalku awood u siiyey nidaamkeeda iyo awamiirteedaa, iyo dhaqdhaqaaqeeda shaqo ee ku aad an hawl maalmeedkooda.
komayshanka doorashooyinka qaranku waa hayad la mid ah, waaxda garsoorka waana hayad madax banaan oo kaa madax banaan , waaxda fulinta balse ay soo magacaaban qayb ka mid ah, isla markasina ka wada xajoodaan arimaha dhaqaalaha iyo hawl maalmeedka amni ee wakhtiga doorashooyinka oo ay amarka siinayaan iyagu xubnaha ciidaamada ah, ee la hawl galayaa, isla markasina iyaga oo awooda buuxda u leh,hanaanka maamul iyo goaan ee wakhtiga doorashooyinka,
distuurka qaranka iyo xeerka doorashooyinkuba waxay tilmaamayaan in xubnaha hayadani ay xilkaa ku wayi karaan, xil gudasho la aan. taasina waxaa uu xeer loo dhigaay nidaamka loo raacayo eryida iyo magacaabista gudida .
xisbiga waddani waa xisbigaa ugu balaadhan ee haysta 46% bulshada somaliland waana xisbi mucaarid , haddiiba uu diiday nidaamka shaqo ee gudida aan madax banaaneyn ee doorashooyinka isla markasina ku milmay waaxda fulinta sida ay u cadahay, iyaga oo aan xitaa wali allankasi iska bari yeelin eedeymaha runta ah, ee loo soo jeediyey, hadaba xisbiga wadani waa mid ku saxsan goaankiisa uu ku dalbaday mana ah, hayad awood u leh inuu xilka qaado ,madaxweyne muuse way ka hoostay arinta gudida doorashooyinku waxanan leeyahay madaxweyne haday dhaqaale la aani jirto waxba xisbiga waddani ha ku xoqan ee kaadhkale iska xoqo.
garsoorka doorashooyinka xaq ayaa loogu leeyahay cidkasta in layska bedelo, tusaalena waxaaa meesha yaal, maxkamada haddiibaa ay garsoore soo magacawdo, muwaadinka dacwada difaacayaa ama iska difaacayaa xaq ayuu u leeyahay inuu bedelka garsoorkasi dalbado.
haddiiba xukumada kulmiye ay soo xoqotay kaadhadhka sonsaf iyo acadamiga nabada iyo ururo hoosta kaga xidhan , xisbiga wadani waa indheer garad maaha indho garad .
haddiiba aad ku soo caano masheen la jiifshana banaan la joojana banaan . komayshankan waxay muddadu ka dhamaneysaa 11/2019 hadaba wax u hadhay waa muddo yar oo kooban , miyaaney ahayn in kuwa gudida sheeganayaa kalsoonida lagala noqday , iyaguna ay is casilaan, balse taasi ha joogtee mudane madaxweyne adigu mansab u dhiibo, oo axdigii aad la gashay nimanka u bedel meelaha aad ku xadhko xidhan ee cida aad doonto geysto .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker