Waa kuma ninka doorashada Turkiga kula loolamaya Erdogan?

Qaar kamid ah xisbiyada mucaaradka ee dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay musharaxa uga qeyb geli doono doorashada xiligeeda laga soo horumariyay ee la filayo in bisha dambe ka dhacdo dalka Turkiga.
Muharrem Ince oo in muddo katirsanaa barlamaanka dalkaasi, aadna uga soo horjeeday siyaasadda madadxweyne Erdogan ayaa la filayaa in doorashada uu kula looolamo madaxweyne Recep Teyib Erdogan.
Muharrem Ince oo 54 jir, horay na u ahaa macallin ayaa mar uu la hadlayay taageerayaashiisa waxaa u sheegay in haddii uu noqdo madaxweynaha xiga ee Turkiga uu madaxweyne u noqon doono dalka oo dhan, waxaana uu intaa ku daray in haddii la doorto uu qasriga madaxtooyada ee dalkaasi ka dhgigi doono xarun waxbarasho.
Hasayeeshee dadka ka faalooda siyaasadda Turkiga waxaa ay leeyihiin waa ay adagtahay in ninkan mucaaradku ay usoo xusheen musharaxa doorashada uu ka adkaado madaxweyne Erdogan oo wax badan ka bedelay siyaasadda Turkiga.
Sidoo kale musharixiinta kale ee doorashada ka qeyb galaya waxaa kamid ah wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Meral Aksener, oo hadii uu u gudbo wareega labaad ee doorashada isku dayi doono inuu mideeyo axsaabta mucaaradka.

 

Xigasho:BBC SOMALI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker