Maxkamad ku taalla dalka Koofur Afrika Oo Ogolaatay codsiga Jacob Zuma

Maxkamad ku taalla dalka Koofur Afrika ayaa oggolaatay inay dhegeysiga codsiga madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma, ee ahaa in dib u eegis lagu sameeyo xukunka xabsi ee lagu riday.

Boqollaal taageerayaashiisa ah ayaa isugu soo baxay bannaanka gurigiisa.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalkaas ayaa Talaadadii xukun 15 bilood oo xabsi ah ku ridday Zuma sababo la xiriira eedeymo musuqmaasuq oo loo heysto.

Muddadii loo qabtay inuu isku soo dhiibo ayaa maanta ku ekeyd, balse maxkamadda ayaa shalay aqbashay codsigiisa.

Telefishinka SABC ee Koofur Afrika ayaa sheegay in maxkamadda ay codsiga Zuma dhegeysan doonto 12-ka JUly.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker