TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 21` aad .

SABABAHII  KEENAY  INAY   WIIQMATO  DAWLADU

  1. Duullaan debada  kaga imanaayey  oo ay ka mid ahaayeen   duullaanadii Masaaridu   ku haysay dawlada  Sucuudiga   kuwaas  oo keenay  burbur  laxaad  leh  iyo  is badal ku yimi dhaqamadii  soo jireenka  ahaa     ee   u dhexeeyey   bulshooyinka   wada daga
  2. Qoyskii xukumaayey  Sucuudiga   oo ay dagaalo  ka dhex curteen, sida  wiilashii  Faysal   bnu  Turki  oo kale .
  3. Hoos u dhac ku yimi waxsoo saarkii  dawlada iyo dhaqaalaheediiba, waxaan  sabab looga dhigikaraa  Abaaro iyo dagaalo  keenay  khasaare badan iyo  sidoo kale   duulllaan debeda  ka imanaayey .
  4. Ku dhawaaqid ay ku  dhawaaqeen  qabaa`ilada  qaarkood maamulo  madax  banaan  iyagoo ka faa`idaysanaya  fursada  ka   maqnaanshaha   maamulkii   reer Boqor  iyo is qabqabsigooda  .

Waxaana ka mid ahaa  maamuladii ka go`ay maamulkii ibnu  Rashiid oo kale   sida aynu  ku arki  doono qaybaha  qoraaladeen soo socda  hadii Alle  idmo .

DHAMMAADKII  MAAMULKII    REER  AALLA  SUCUUD

Cabullaahi  isagoo   iyo  walaalkii oo uu dagaal dhexmaraayey ayuu waxa  uu    warqada  u diray inbnu  Rashiid  isagoo ka codsanaya taageero

Mulatari  iyo inuu gacan   saar  la yeesho  oo uu uga hiiliyo walaalkii  , waanu ka  aqalay Rashiid   arrinkii  waxaanu u soo diray   Cabdullaahi  ciidamo laxaad leh  oo fara badan , markii ay ciidamadi magaaladii qabsadeen  kumuusan  wareejin  bnu  Rashiid  maamulkii magaalada  Cabdullahhi  ee  , waxa  uu kalahaa  bnu Rashiid qasti  iyo u jeedo kale  oo  ahayd inuu sii balaadhsado  maamulkiisa  Najda , waxaanu maamulkii magaalada  Riyaad   u magacaabay  mid  ka mid ah qaraabadiisa  oo ka noqday  xaakim , kaas oo  uu la   wadaajiyey  maamulka  Ammiir  Cabdiraxmaan  Faysal, sidoo kale   waxa la rarray  oo laqaaday  lana dejiyey  isaga iyo  Ammiir Cabdullaahi  iyo qaar kale  oo reer Aalla   Sucuud ah   gobolka Xaa`il  . Taasina  waxa ay noqotay dhammaadkii  maamulkii reer  Aalla Sucuud  iyo oo ifbaxii      maamulkii  Aalla   Rashiid   ee  Najda

 

Maantana halkaa ha inoo  joogo Maqaalku .                                                                                               Lasoco qaybta  22aad  maalinta  khamiista  ah ee fooda inagu soo haysa  Insha Allahu tacaalaa.                                                                                             Qalinkii:Maxamed  Muuse  Cilmi                                                                                  Qoraa/Mutarjim                  Bariise_77@hotail.com/www.facebook/maxamedbariise

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker