Gabdho Somali ah Oo ku Guuleysatay Golaha Deegaanka Magaalooyinka Lewiston Iyo St. Louis Park City.

Naadia Mohamed oo ah Gabadh dhalinyarro ah oo Soomaaliyeed ayaa sameysay Taariikh habeennimadii Tallaadada kaddib markii ay ku guuleysatay in ay ka mid noqotay Golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City ee dalka Mareykanka

 

Gabadhan  23 sano jir ah ayaa Noqon doonta qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biirtay Golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City.

“Sababta keentay in aan u tartamo kursiga ayaa ah aniga oo aamisan in aan aheyn is badal keeni kara ayeey tiri Nadia Mohamed”

Nadia ayaa heshay codadka 63% kiiba iyadoo ka guuleysatay musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Joseph Israel received 36%, waxeyna badali doontaa Thom Miller oo aan isagu ka qeybgalin doorashada.

Sidoo kale Safiya Khalid oo ah gabar Soomaaliyeed, ayaa ku guuleysatay inay ka mid noqoto Soomaaligi ugu horreeyay oo ku guuleysta xubinnimada golaha deegaanka ee magaalada Lewiston ee gobolka Maine ee dalkaan Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker