Mid kamid Ah Shaqaalaha Ajaanib Ah Ee Hay’ada ICRC o ICRC Oo Lagu Afduubay Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Haweenay u shaqeynaysay hay’ada ICRC oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa xalay laga afduubay xarunta hay’ada ee magaalada Muqdisho.

Haweynaydan oo Muqdisho joogtay muddo laba isbuuc ah ayaa ahayd kalkaaliso caafimaad, waxaana la sheegayaa in ay afduubka  ku lug lahaayeen ilaalo ka mid ah kuwa xarunta ICRC ee Muqdisho.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in haweeneydan u dhalatay dalka Jarmalka ee u shaqeynaysay ICRC lagu afduubtay magaalada Muqdisho.

 

 

Afhyeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay dabagal ku sameeyeen kooxda afduubka u geystay haweeneydaas islamarkaana gaarigii lagu afduubtay laga helay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodon.

 

Dhanka kale war ka soo baxay hay’ada ICRC xarunteeda magaalada Janeva ee dalka Swizerland ayaa lagu cambaareeyay falkan, oo ay ku xaqiijiyeen afduubka haweeneydan, waxaana ay hay’adu sheegtay in haweenaydaas ay Muqdisho u joogtay caawimaada dadka dhiban.

 

 

Xarunta ICRC ee Muqdisho ayaa  waxaa la wareegay laamaha amniga DowladdaSoomaaliya, waxaana xalay markuu afduubku dhacayay xarunta ku jiray shaqaale kale oo Ajaanib ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker