Reysal wasaaraha Somaliya oo magacaabay xubno katirsan golahiisa wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ay kala yihiin:

Axmed macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Cali Yuusuf Cali Xoosh oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Gen Cabdullahu Sheekh Ismaaciil Fartaag oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda amniga gudaha.

Cabdullahi bidhaan warsame oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha.

Maxamed Aadan Macalin Wasiirka wasaarada boostada iyo isgaarsiinta iyo tiknoolojiyada.

Iyo Axmed Cumar Maxamed oo loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda bey’ada iyo cimilada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker