Madaxweyne Sidaa Aad Masiibadda Daadka U Dareentey Maxaad Ugu Dareemi Laadahey Masiibada Nolosha Ee Sicir Bararka iyo Maceeshadda Malaayiin Qoys

Inkastoo,aanan ku Ceebsaneyn, In Madaxweynaha Qaranku fadhiga ka kaco,oo cagihiisa ugu Taggo Qoysaska Masiibada Daadadku saameysay sida Qoyskii Koonfurta Caasimada ee uu Isla Galabtii u tagey haddana Waxaan Qoraalkeygan kaga hadlayaa in la Moodo inaan Madaxweynuhu marna Dareemin dhibaatadda iyo Saameynta uu ku hayo danyarta Somaliland gaar ahaana inta Maanta Deggan Caasimada Hargeysa aafada Sicir bararka iyo latacaalista Maceeshada ee Ku Qotonta asaraarka Nolosha Joogtada ah ee Waalidiinta ku kaliftey,in ay Ubadkooda dajiyaan badhtamaha Biyo-mareenada kadib markii ay ka Xoog badatey,werwerka ka haysta,in ay latacaalaan Noloshu.

Inkastoo,Soomaalidu u badan tahey, in Dhibaatooyinka Waayuhu taabtaan marka uu iyagga soo gaadho,ama albaabkiisa Timaado,ama ay gaadho naf bax oo layidhaa Qoyskaasi,waxey u dhinteen Gaajo,haseyeeshee,aan inta ka horeysa fadhiga la iskaga kicin islamarkaana,ay hadal iyo khayaali u haystaan Ragga Madaxda Noqdaa marka laga hadlayo in Shacbigu la ildaran yahey, naf Xarbiga uu kula jiro Nolosha oo ay Saameysay Maceeshadda iyo Sicir bararka Somaliland maanta ka taagan, kuwaas oo marka ay iyagu ladan yihiin, ku suureeya ama isku dhaafiya hadalkii ay dadkii gaajada ka mudaharaadayey kaga hal celisey  inantii Madaxweynaha lagu mudaharaadayaa dhaley  ee tidhi, ‘haddey Roodhi Waayeen May Keega Cunaan’ oo noqoneysa inaaney wali Madaxweynaha Taaban Gaajada laga hadlayaa.

Haddaan Soo gabagabeeyo,Waxaan Leeyahey Muuse Biixi aragtida Shacbiga Somaliland ka qaateen, Talaabooyinkaagii bilawga Xukuumadaada,iyo Dhismihii Dawladaada,iyo Gudidii aad u Xil saartey in ay Wax ka Qabtaan Mushkilada ugu saameynta Badan Shacabka danyarta ah ee Somaliland ee Sicir bararka iyo Balanqaadyadadii isma waafqsana kalina kuma ihi,waa mid laga Siman Yahey,in Cadaaladii iyo Dhinacyo badan, aad loo dareemayo,oo Soo raaca Qodobkaa Duruufta ku Waajahan,  ee Madaxweyne  sidaa aad Masiibadda daadka U dareentey maxaad ugu Dareemi laadahey masiibada nolosha ee Sicir Bararka iyo Maceeshadda Malaayiin Qoys Saameysay, marka Nafi Baxdaad iyana ka Dareen Celin.

 

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker