Dabley Hubaysan Oo Dil Ka Fuliyay Gobolka Sanaag Iyo Gaadhi Ay Dheceen

Wararka ka imaanaya jidka u dhexeeya tuulooyinka Midigale iyo Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ay saaka dil ka gaysteen dableey hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan.

Kooxda hubaysan oo jid-gal sameeyay ayaa dilay qof shacab ah oo watay gaari Laylo calawi ah (Land Cruiser) kaasi oo ka yimid dhinaca degaanka Ceeldaahir waxaana ay goobta ka wateen gaadhigii. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa  lagu sheegay Cabdiwahaab cawil.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaystay ay gaadhiga ula baxsadeen dhinaca Miyiga ah ee xigta degaanka Buraan islamarkaana aan weli gacanta lagu soo dhigin.

 

Marxuum Cabdiwahaab cawil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker