Faallo:- 18 MAY wax dabaal degyo dhaafsiisan ma u qorsheynay, hadaynu nahay qurbe joogta:- EX. Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

Waxaan jeclahay oo aan maanta qalinka u yara qaatay inaan dadkayga Somaliland ku bogaadiyo munaasibada 18 MAY xuska sanad guurada 27 aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland. Ka gadaal hambalyada waxaan jeclahay inaan su’aalo dhawr ah is weydiino gaar ahaan inteena qurbaha ku nool oo ay ugu horeyso munaasibada 18 MAY waxaan xaflado ka ahayn miyeynu ku xusnaa, ma se ku dhiiranaa oo ma qaban qaabinaa sidii aynu qadiyadeena meel wal oo sharcigu u fureyba u gaadhsiin lahayn.

 

Ma qornaa warbixino, warar iyo taariikho tilmaamaya mudnaanta maalintani leedahay iyo halkii qaranka laga soo bilaabay, intee warbixinood ama article baynu ku dabacnaa website calamiga ah imisa warqadood baynu se u dirnaa wasaradaha arrimha dibada ee wadamada aynu ku nool nahay.

 

Wakiiladeena dibadu maxay qabtaan ee soo kordhiyaan ee xidhiidh siyaasi iyo mid diplomacy leh iyaga oo ka faaidaysanaya cududa shacbiga maalintan soo ajiibay. Hadaba ugu dambayn waxaan jeclahay inaan xasuusiyo dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa qurbuhu in munasibadan la weyneeyo sidoo kalena warbixino iyo qoraalo caalami ah dunida lala wadaago.

 

Muwaadin ku dhiiri geli qof wal oo aad og tahay inuu waxna qoro waxna akhriyo inuu diyaariyo maqaal ama warbixin ku saabsan qadiyada dalkeena si aynu ula wadaagno meelaha ku haboon, muwaadin aynu isku sheegno xidhiidhada ay haboon tahay in lala wadaago qadiyadeena.

 

 

Mahadsanidiin

EX. Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker