Iran oo u digtay Israel iyo tilaabo ay qaadi karto saacadaha soo socda

Iran ayaa ka digtay suurtagalnimada “tallaabo hor dhac ah” oo ay qaado saacadaha soo socda”, iyadoo Israa’iil ay isu diyaarinayso weerar dhanka dhulka ah oo ay ku qaado Marinka Qasa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in Israa’iil aan loo ogolaan doonin in ay waxay doonto ka sameyso Qasa cawaaqib la’aan.

Xiisadda ka taagan xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ayaa kacsan tan iyo markii Israa’iil ay billowday aargoosiga ka dhanka ah Xamaas ee Qasa. Cabsida halkan ka jirta ayaa ah in tani ay noqon karto waji cusub oo dagaalka ah , kaas oo ay ku lug leedahay Xisbullah. Iran ayaa taageerta kooxda Xisbullah.

Maraykanka ayaa uga digay Iran inay sii huriso colaadda, waxayna Israa’iil sheegtay in haddii Xisbullah ay ku lug yeelato dagaalka, inay bixin doonto jawaab ba’an.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay Xisbullah iyo militariga Israa’iil rasaas isku weydaarsanayeen dhanka xadka balse ilaa hadda dagaalka waa la xakameeyay.

Habeenimadii xalay, millatariga Israa’iil waxa ay sheegeen in ay beegsadeen kaabayaasha dhaqaale iyo ciidan ee kooxda Xisbullah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker