Saddex Ka mid ah Saraakiisha Guddiga Doorashada Liibiya Oo Qarax Lagu Dilay

Kooxda la baxday dowladda Islamka ayaa sheegtay masuuliyada weerar ka dhacay dalka Liibiya. Weerarkan ayaa ahaa kii ugu ba’naa ee muddo sanado ah ka dhaca caasimada Liibiya ee Tripoli. Dad isa soo miidaamiyay ayaa galay xarunta guddiga doorashada halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 12 qof.

Weerarka ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay tira dad ah. Codbixiyayaasha ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay waday in ay isu diiwaangaliyaan doorashada lagu wado in ay dalkaasi ka dhacdo dabayaaqda sanadkan.

Kooxdani mintidka ah ayaa rasaas ku furay shaqaalaha guddiga doorashada , waxa ayna risaas is waydaarsadeen ilaaladii xaruntaasi. Bayaan ay soo saareen kooxda IS ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan uu jawaab u yahay cajalad uu dhawaan so saaray afhayeenka kooxda oo ku hanjabay in ay bartilmaameedsan doonaan doorashooyiinka laga qabto wadamada Muslimiinta.

Kooxda IS ayaa dhawaan soo saartay digniino gaar ahaan doorashooyiinka Masar iyo dalka Ciraaq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker