Safiirka Dowladda Mareykanka Ee Soomaaliya Donald Yamamoto Oo Ka Hadlay Muranka Badda Ee Soomaaliya iyo Kiiniya

Muqdisho (OWN) – Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo wareysi uu siinayay warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa ka hadlay xiisadda diblu maasiyadeed ee dalalka Kenya iyo Somalia iyo qorshaha Mareykanka uu taageersan yahay.

Mr Yamamoto ayaa sheegay in loo baahan yahay labada dowladood inay keenaan qorshe kale oo ka duwan xiisadda, waxaana uu sheegay inay taageerayaan labada dowladood inay sameeyaan ganacsi isaga kala gudba labada xuduudood.

Wuxuu sheegay in labada dowladood ay isku baahan yihiin, islamarkaana ay muhiim tahay inay eegaan faa’idada labada dowladood kasoo galeysa ganacsi isaga gudba labada xuduud ee Kenya iyo Somalia.

Sideed u aragtaa xiisadda aan wanaagsaneyn ee u dhaxeysa Kenya iyo Somalia? ayaa la weydiiyay, wuxuuna ku jawaabay:-

“Waad u baahan tihiin Kenya, Kenyana wey u baahan tahay Soomaaliya, arinta la xiriirta is dhexgalka gobolka waa muhiim  waxaan xisaabin karnaa haddii aad kordhisaan ganacsiga xuduuda isaga gudba, waxaan kordhin karnaa dhamaan horumarka dhanka dhaqaale, oo lagu qiyaasayo 100 Bilyan oo doolar taasina waa qiimeynteena”

“Kenya way u baahan tahay Kaluunka Soomaaliya, Soomaaliyana wey u baahan tahay suuqyada Kenya, waxa aan dooneyno inaan sameyno ayaa ah, in magac aqoonsi wanaagsan loo sameeyo Soomaaliya, Markale Soomaaliya way noqon kartaa hogaamiyaasha dhanka MUUSKA dunida”

“Sidoo kale wax soo saarka kalluunka, waxaan kale oo aan dooneynaa inaan diirada saarno horumarinta cuntada, iyo meelo kale oo horumarin ah, waxaan leeyahay Mareykanka wey ka go’an tahay arimahaa, waxaana ugu yeerayaa dalalka kale inay sameeyaan waxa Mareykanka ka sameynayo Soomaaliya”

“Arinta ugu dambeysa Mareykanka Maalgelinta caawinta iyo taageerada uu Soomaaliya siinayo wey ka badan tahay wadajirka waxay Turkey Qatar, Imaaraatka iyo dalalka Yurub ka sameynayaan Somaaliya, taasi oo ku tusineysa in ay kago’an tahay caawinta Soomaaliya”ayuu yiri Mr Yamamoto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker