Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Uu Hogaaminaya Cabdiraxmaan Cirro Oo Booqday Qoyskii Abwaan Baarleex Ka baxay
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa gurigooda ku bookhday carruurtii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex. Guddoomiyaha ayaa ehelka uga tacsiyeeyay geerida, waxaanu marxuumka ku tilmaamay shakhsi qiimo iyo taariikh weyn ku laha umadda Soomaaliyeed.