Masuul Ka Tirsan Xukuumada Oo Madaxweyne Muuse Iyo Komishanka Doorashooyinka Ka Difaacay Eedaymaha Loo Jeediyo

Hargeysa(OWN):-Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka somaliland Naasir Ayjeex Jaamac ayaa difaacay  madaxweyne Muuse Biixi iyo guddida doorashooyinka somaliland.

Agaasime Naasir Ayjeex Jaamac oo war qoraal ah ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa sheegay in hadyo jeer lagu deg dego dhaliilaha loo jeediyo guddida doorashada isla markaana loo baahan yahay in laga fiirsado.

Agaasime Naasir Ayjeex Jaamac ayaa tilmaamay in dhaliilaha lagu beegsado gudoomiyaha komishanka doorashooyinku aanay ahayn kuwo qabta, isaga oo xaal ka bixiyey eedaymo ay hore ugu jeediyeen siyaasiyiin ay isku deegaan yihiin oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Agaasime Naasir Ayjeex Jaamac ayaa warka uu soo saaray ku yidhi:-

“Waxaan leeyahay waa in marka hore doca docaynta laga daayo shaqada ay komishanka doorashooyinku uga masuulka yihiin qaranka, waxaanan u soo jeedinayaa dadweynaha somaliland ee baraha bulshada wax ku qora inay iska ilaaliyaan caadifada ay ku baahinayaan  wararka aan jirin ee dhaliisha ee ay u jeedinayaan komishanka, iyada oo aynu ognahay in hawlaha doorashooyinku ay yihiin kuwo  xasaasi oo ay lagama maarmaan tahay in looga dambeeyo komishanka doorashooyinka qaranka.”

Agaasimaha fulinta  komishanka xakamaynta komishanka Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac  ayaa intaas raaciyey “ Waxaan cadaynayaa in komishanka doorashooyinka ee hada joogaa ay yihiin kuwii ugu fiicnaa ee dalka soo mara  iyada oo aynu ogayn doorashadii baaxada weynayd ee ay ka qabteen dalka, sidaas darteed waxaan xaal ka siinayaa  eedaymaha ay hadyo jeer u jeediyaan  siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ka tirsan xisbiga Wadani ee aanu waliba isku deegaanka nahay, waxaanan u soo jeedinayaa siyaasiyiintaas inay joojiyaan dhaliisha aan hubsiimada lahayn ee ay ku maagaan komishanka doorashooyinka iyo gudoomiyahoodaba.”

Sidoo kale agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac ayaa madaxweynaha somaliland ka difaacay eedaymaha uga yimaada xisbiyada mucaaridka ah  isaga oo xusay in madaxweynuhu mudo kooban hayey  talada isla markaana aanu joogin wakhtigii la dhaliili lahaa balse loo baahan yahay in wakhti la siiyo, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi mar kale:-

“xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland  waxaan leeyahay, madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisuba waxay talada dalka hayaan mudo aad u kooban, waxaanay u baahan yihiin in lagu garab galo hawlaha culus ee horyaala si ay dalka horu mar u gaadhsiiyaan, markaa waxa lagama maarmaan ah inay shacabku garbaha la qabtaan qorshaha uu dalka ku hagayo madaxweynuhu, balse waxaan leeyahay dhaliisha iyo cambaarayntu yaanay noqon mid aynu ku hor istaagno horu marka uu inala damacsan yahay madaxweyne Muuse Biixi iyo  xukuumadiisuba.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker