Guddoomiyeyaasha Labada Gole Ee Itoobiya Oo Loo Doortay Laba Haweena Oo Muslim Ah

Labada aqal uu leeyahay dalka itoobiya ayaa taariikhda markii ugu horreysay loo doortay laba gabdhood oo Muslimiin ah. Gabdhaha waxay kala hoggaamin doonaan Golaha wakiillada shacabka iyo Golaha Federaalka ee dalka Itoobiya.

Itoobiya waa dal ay ku wada nool yihiin in ka badan 90 qowmiyadood oo aaminsan diimo kala duwan. Diimaha ugu weyn dalka ayaa waxay yihiin Islaamka iyo Masiixiga iyada oo tirada dadka diimahaasi aaminsan siyaaba badan loo bedbeddalo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka waxaa loo doortay Mufariyat Kaamil oo ka soo jeedda qowmiyadda Silte oo ka mid ah qowmiyadaha shucuubta Koonfureed. Mufariyat waxay horay u soo qabatay xilal ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha haweenka iyo la taliyaha arrimaha jinsiga ee ra’iisal wasaaraha.

Golaha Wakiillada Shacabka oo ah aqalka ugu sarreeya dalka wuxuu ka kooban yahay 547 xildhibaan oo laga soo kala doorta 9-ka dowlad deegaan iyo 2 ismaamul magaalo. Sida oo kalana Guddoomiyaha Golaha Federaalka waxaa loo doortay Kheyriya Ibraahim oo ka soo jeedda qowmiyadda Tigreega. Waxay badeleysaa afhayeenkii hore ee golaha federeeshiinka Yalew Abate oo xilka iska casilay.

Golaha Federaalka wuxuu ka kooban yahay 112 xildhibaan oo laga soo kala xulo qowmiyadaha dalka magacaabidna ku yimaadda. Magacaabidda labadani xubnood ee ka soo jeeda Muslimiinta dalka Itoobiya ayaa loo arkaa inay wax ka badeli karta aragtida laga yaaba inay dad badan ka qabeen Muslimiinta sida in waddanku ay marti ku yihiin oo qof diinta Islaamka aaminsanna uusan xil sare ka qaban karin dalka Itoobiya.

Tirada diimaha ayaa waxay dowladda ku sheegtay tirakoobkii ugu dambeeyey inuu Islaamku yahay 33.3% halka Masiixigana ay yihiin 47%. Balse hay’ada madax bannaanna waxay sheegaan iney Muslimiinta Itoobiya 50% kor u dhaafayaan.

Xisbiga talada dalka haya ee EPRDF ayaa markii ugu horreysay billaabay inuu golaha wasiirrada uu ku soo daro Muslimiin sagaashameeyadii. Ra’iisal wasaaraha cuusub Abiy Axmed oo ka soo jeeda qoys Muslimiin ah( balse aan isagu Muslim ahayn) ayaa wuxuu billaabay inuu ka qayb galka Muslimiinta uu sare u soo qaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker