Maxaad kala Socotaa Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Madaxwaynaha Cusub ee Maraykanka

Washington (OWN)  Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa in la-taliyihiisa muddada fog Antony Blinken uu u magacaabo inuu noqday xoghayaha Arrimaha Debedda,

Biden ayaa sidoo kale la filayaa inuu Jake Sullivan, oo ka mid ahaa kaaliyayaashii ugu dhowaa Hillary Clinton,

Uu u magacaabo la-taliyaha amniga qaranka, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg oo soo xiganeysa dad xog ogaal ah.

Labada qof ayaa la filayaa in la magacaabo Talaadada.

Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ee maamulka Biden, Ron Klain ayaa Axaddii sheegay in madaxweynaha la doortay uu Talaadada magacaabi doono qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, hase yeeshee waxa uu diiday inuu shaaciyo boosaska.

 

 

Sullivan oo 43 jir ah, iyo Blinken oo 58 jir, ayaa labaduba laba xilli oo kala duwan ahaa la-taliyayaasha amniga qaranka ee Biden, intii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka.

 

 

Waaxda Arrimaha Dibedda waa tan ugu sarreysa wasaaradaha Mareykanka, waxaana xoghayaha arrimaha Debedda uu yahay qof haga siyaasadda arrimaha dibedda.

 

 

Blinken ayaa ahaan jiray ku-xigeenka xog-hayaha arrimaha dibedda, ee Xilligii Obama.

 

 

Sidoo kale, la-taliyaha amniga qaranka waa mid ka mid ah jagooyinka ugu muhiimsan uguna awoodda badan Aqalka Cad,

 

Wuxuuna Hogaamiyaa xubno isugu jira khuburo militari, diblomaasiyiin iyo sirdoon, kuwaas oo hormariya siyaasadda arrimaha dibedda iyo militariga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker