Booliis lagu afduubtay dalka Colombia oo lasii daayey

Madaxweynaha dalka Colombia, Petro, ayaa sheegay in lasii daayay askartii iyo shaqaalihii shidaalka ee lagu haystay mudaaharaadyadii ka dhacayay gobolka koonfureed ee Caqueta ee dalka Colombia.

Rabshado ayaa dhacay khamiistii lasoo dhaafay, kadib markii dadka deegaanka ay xireen dhismaha shirkada shidaalka ee Emerald Energy.

Dadka ku dhaqan deegaanka laga soo saaray shidaalka, ayaa shirkadda ka dalbanayay inay dhisto waddooyin.

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, ayaa sidoo kale dalbaday in la sii daayo 79-ka Booliska ah, iyo 9 kamid ah shaqaalaha shidaalka ee la afduubtay.

Askari booliis ah iyo qof rayid ah, ayaa ku dhintay rabshadaha.

Markii saraakiisha iyo shaqaalihii booliiska ee la haystay la sii daayay, ayuu wuxuu Madaxweynuhu amray in la bilaabo baaritaan lagu ogaanayo mas’uuliyadda dilka labada qof.

Wasiirka arrimaha gudaha, Alfonso Prada, ayaa horay u sheegay in raggaasi la toogtay.

Inta badan dibad baxayaasha, ayaa ah dad asal ahaan kasoo jeeda dalkaasi, waxayna sidoo kale dalbadeen dhismaha wadooyinka ee San Vicente del Cagua, halkaasi oo Emerald Energy ay kasoo saarto saliid.

Shirkadda saliidda, ayaa diiday inay ka jawaabto codsiga, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Booliiska Colombia, ayaa sidoo kale bartooda Twitter-ka ku muujiyay tacsi ay u dirayaan ninka booliiska ah ee la dilay, oo lagu magacaabo, Ricardo Monroy, oo lagu dilay iska horimaadka.

“Maanta, midnimadeenu way ka sii xoog badan tahay sidii hore,” booliiska ayaa farriintan ku soo qoray Twitter-ka, iyagoo raaciyay “Ricardo wuxuu naftiisa u huray xirfadiisa.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker