SHEEKO XARIIR, QISO DHAB AH, QALIKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)

Wiil iyo aabbihii ayaa waxay ku wada noolayeen magaalo, xoolana waxay ka lahayeen hal dameer oo ay ku xamaalan jireen, oo intay xaabo kaymaha uga soo guraan ayay iibin jireen oo nolol maalmeed kooda ka raadsan jireen. Wiilku ma ahayn mid bulshada si fiican u dhex galay oo shaqadiisa ayuu ku ekaan jiray, waxaase uu aad ula yaabi jiray oo uu ka war hayay in biniโ€™aadamka weligood xan iyo dulmi aan laga waayeynin, adigu wax wanaagsan same ama ha sameynine.
Wiilku wuxuu aabahii ku yidhi โ€œaaboow dadku naftooda may ku ekaadaan, maxaa isku diraya oo isu geynaya?, sow qof walba tiisa kuma filna, waxa la sheegayo ee ah in dadka meel loogaย nabad galaaย aysan jirin sax miyaa?โ€ aabbihii oo ahaa nin waayo arag ah, sanaddo badana jirey, ayaa isagoo doonaya inuu tusaaleeyo in arrinta run tahay ayuu wuxuu ku yidhi โ€œMaandhow, berri marka waagu baryo ayaad indhahaaga wax ku arki doontaayee, iska seexo caawaโ€
Markuu waagii baryay ayaa aabbihii wuxu yidhi โ€œhaye aabbo dameerka noo soo wadโ€. Aabbihii ayaa fuulay dameerkii, wiilkiina xadhiguu u qabtay. Markay inyar socdeen ayaa waxay soo ag mareen koox dad ah oo meel wada fadhiya markay sii dhaafayeen aya waxay kooxdii si jees-jees ah yidhaahdeen โ€œWar oday hebel arka naxariis daranaa! Intuu isagii dameerka fuulay ayuu wiilkiisii yaraaย xadhigii u dhiibey oo yidhi lugee yarkiisiiย !!โ€. Markaasuuย Odeygii kuย yidhi wiilkiisa โ€œaabbo ma maqashaa waxay leeyihiin?โ€
Maalitii labaad, ayaa Odeygii wiilkii sii kuย yidhi ,โ€œbal waa yaabe adiguย u baxย dameerka anigaa maanta kugu kaxeynayeeโ€. Wiilkii dameerkii ayuu fuulay, markii ay waxyar socdeen ayaa waxay soo agmareen dad kale. Siddoo kale waxay ku yidhaahdeen โ€œAlla bal eega wiilka waalid caasiga ah! Aabbihiis ayaa lugaynaya isaguna dameer ayuu fuushan yahay!!โ€
Maalin saddexaad kii ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi โ€œmaandhow dad warkii suย ma dhammaadee, bal kolkan aan dameerka u wada baxno labadeenubaโ€ dameerkii ayay wada fuuleen, markay muddo socdeen ayaa waxay soo agmareen koox kale oo dad ah, markaasay kooxdii yidhaahdeen โ€œaccuudu billaah! Dameerkaan ma la nacay, miyaan loo arxameyn, may hal qof saaraan!!โ€
Maalintii afraad ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhiย โ€œmaandhow ma aragtaa? Bal inaga wada deji oo labadeenuba wada lugeeyneeโ€, wiilkii iyo aabbihiisa way wada lugeeyeen, cabbaar markay socdeen ayaa waxay soo agmareen koox kale, markay sii dhaafayeen ayaa waxay yidhaahdeen โ€œWaar bal eegaย  labada nine e dameerka iska daba jooga,ย alla doqonsanaa!,ย  Bal may qof saaraan dameerku waxba ma saarnee!!โ€kkkkk.
Markii intaas dhacday ayuu aabbihii ama Odeygii ku jeestay wiilkii oo ku yidhi โ€œaabbo ma aragtaa?โ€ Wiilkii oo wax weyn faaโ€™iday ayaa yidhi โ€œWallee aabboow dad meel na uga baxsan meysid, gurigeena iyo dameer keenana ku dhahoo, Waxaase Doqon ah ninkii Dantiisa hadal Dad u daayaโ€ .
Qalinkii
PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker