Bal is bar-bardhig Ganacsade Ahmed Cisman Geele (ina Geele Arab) iyo Gancasatada Somaaliland ee ilma jinni boqor. qalinkii A/rahman Fidhinle UK

Ganacsade Ahmed Cimaan Geele ( ina Geele Arab )

1-ย  Waa geesi maalgelin balaadhan ku sameeyey Somaalilaan Bari ilaa Galbeed; Wuxuu dalka ka dhisay Wershada COCA COLA oo ah Wershad caalami ah oo uu ku maalgeliyey lacag dhanย $35 million oo dollar. Waxaana Wershedaa iyo wax soo saarkeeda ku nool oo ka shaqeeya shaqaale gaadhayaย 5 kunย oo muwaadiniin reer Somalilaan ah. Ganacsaduhu wuxuu si mug leh ugaย  qayb qaatay kobcinta wax soo saarka dalka iyo kobcinta heerka nolosha bulshada Somalilaan.

2- Gancasaduhu ย Wuxuu ka qayb qaatay soo nooleynta Mashruucii lagu fashimay ee Beenweyne ( Xunbo weyne ) kaa soo ku maalgeliyey lacag dhanย $5 million oo dollarย waxaa kale oo uuย ka qayb qaatay Goobo shaqo abuur oo badanย iyo guud ahaan kobcinta horumarinta dhaqaalaha dalka Somaalilaanย .

3-ย Ganacsaduhu wuxuu Gobolada Bariga gaar ahaan Gobolka Togdheer ka qodayย 9ย ceel oo kuwa dhaadheer ah iyo5ย kuwa gaaban ah isaga oo ku maalgeliyey lacag dhanย $2 millionย oo doolar. ninkaa muwaadinka ah ee hantidaaย tirada badanย dalka gashaday ayaa lagu sheegay. nin Ajanebi ah oo dhalasho kale qaatay, waxaa lagu sheegay nin tuug ah oo lacag soo dhacay, Waxaa lagu eedeeyey nin nabadgelyada Somalilaan khalkhalinaaya. Waa taa Cadaaladiiย Xukuumada Kumiyeย !

4- Su’aasha qarnigu waxay tahay Ganacsaduhu ma Dhagar buu ka galay Dawlada Jabuuti iyo shacabkeedaย  – Waa maya ! Hadaa maxaa lagu haystaa?Waxaa laysku hayaa waa aduun iyo Sandule Saami nagu siiย  hadii kale xoolahaaga ayaanu bililiqaysanaynaa taasinaย way dhacaday. Waxaanaย ummadda u muuqata in si qarsoodi ah loogu heshiiyey Gancsadaha.ย  Dastuurka Somalilaanย Qodobkiisa 11-aadย ย farqadiisa 3-aadย ย Wuxuu qeexayaa in maalgelinta Shisheeyey ee dalka gudihiisa ay dawladu udamaanad qaadayso xeerna lagu nidaaminaayo. islaย Qodobka 35-aadย ,ย farqadiisa 2-aadย ee Dastuurka qaranku wuxuu qeexayaa in aanay marna banaaneyn in muwaadin reer Somalilaan ah loo dhiibo dawlad shisheeye.Sidaa Daraadeed Xukuumada Somalilaan waxaa looga fadhiyaa in sharciga loo sinaado ooย ay Xurmeyso sharafta, Sumcada iyo Karaamada Ganacsade Ahmed Cisman Geele.Xukuumada waxaa looga fadhiyaa in Xoolaha ka maqan ganacsadaha ay la baadi-doonto.

5-Gansade Ahmed Ciman Geeleย  marna kamuu qayb qaadan hagardaamooyinkii qabyaaladeysnaa ama xulufeynaa ee dalka lagu boobay mudadii kulmiye.

Bal aynu diirada yara Saarno Gancasatada Dhigiisa ah ee ilma jinni boqor ee Xukuumadu ay mar walbaย sharaftooda iyo Karaamadooda ilaaliso:

1- Ganacsatadan ilma jinni boqor waxay ka qayb qaateenย dhamaan dheefihii iyo dhiilooyinkii dalka ka dhacay mudo xileedkii Xukuumadihiiย kulmiye dalka hagaysayย .Waxaana ay ku milmeenย Caqiidadii siyaasadeed eeย Xisbiga kulmiye dalka ku qabsaday iyo curyaamintii Geedi-socodkii dimuqraadiyadeed ee Somaalilaan,

2-ย  Ganacsatadani waxay ka qayb qaateen Musuq-maasuqiiย iyo maal-urursigii lagu sameeyey maareyntii maganta,moorada iyo midhihii dawladnimo, waxaana ayย  qaybย ka ahaayeen kuย tagri falkii hantidii ummaddaย baahan, waxaana ay noqdeenย jileyaasha qarsoonย ee kuย gafanoobayย naasihii irmaanaa ee qarankani lahaa.

3-ย Ganacsatadani waxay hormuud ka ahaayeenย Cadaalad daradii iyo ceebihii dalka ka dhacay oo dhan,ย dhacdooyinkii maareyntooda lagu fashilmayย iyo dhiilooyinkii dhabta ahaa ee dalka ka dhacay mudadii Kulmiye, sidaย Boobkiiย dhulkii danta guudย iyo siyaabihii loogu tagri falay ย hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd eeย ummaddu wada laheyd..

4-ย Ganacsatadani waxayย hormuud u ahaayeenย hadhkii iyo humaagii galay dawladnimada JSL, ma hadhooyinkii iyo raadadkii foosha xumaa ee doogta iyo diifta lahaa eeย dadka iyo dalkaba ku reebay qabyaaladan duluca furatay ee maanta dalka ku bacrintay..

6-ย Ganacsatadani waxay baysย iyo baleysin u ahaayeenย caro-qaad kii shir beeleedyadaย iyo soo bacrimintii qabyaaladan duluca furatay ee ku saleysan is-xulafeysiga la magac baxay Jeegaanta malaasan.

7-ย Ganacsatadani waxay hagayaal ka ahaayeenย Siyaasad xumadiiย  Jeegaameysneydย ee soo ifbaxday doorashada dabadeed taas ooย dalka ku reebtay Colaado Siyaasadeed, Cadaawe degamsan iyo isu jabhadeyntaย maanta dalka ka ย bilaabantay.

8-ย  Ganacsatadani waxay lacagtooda ku bixiyeen xagal daacii ku dhacay Dimuqraadiyadii JSL ee aanu Kulmiye weelkeeda sii tolin, laakiin uu ย curyaamiyey kuna fashilmay waajibaadkii ka saarnaa geedi socodkii iyo hanaankii dimuqraadiyeed ee lagu taamayey mudada dheer.” Sida doorashooyinka wada mudo dhaafay ee waqtigooda lagu qaban waayey.”

9-ย  Ganacsatadani waxay lug ku lahaayeen dagaalkii qaawanaa ee Jamaal Ali Xuseen lagaga reebay Musharaxnimadii uu xaqa u lahaa ee uu ka sharaxnaa Xisbiga Ucid.

10- Ganacsatadani waxay qaanuunanadii dhisme siyaasadeedkii dimuqraadiga ahaaย ee JSLu bedeleenย qabiil, codkii muwaadinka xorta ahaanaย way isireeyeenย oo waxay ku khasbeen in qabiil walibaย uu la tago codkiisaย muskiisii iyo miscirirtiisii,ย arintaana waxaa markhaati iyo marag kuugu filanย doorashadii ugu danbeysay ee dalka ka dhacday oo goboladaย  qaarkood lagu arkayย iyaga oo lacag shacabka ugu qaybinaaya ama like ka qodanaaya.

11-Ganacsatadani waxay ku milmeen Cadaalad daradiiย  dalka ka dhacay,ย hababkii qalooca iyo qarsoodiga ahaa ee lagu qaybiyeyย  mashaariicdii horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalkaย ย sida isย gaadhsiinta , leydhka, Biyaha iyoย Mashaariicda DPW ee Dekeda Berberaย  oo ay hawada ku qaybsadeen keligood.

Gebogebo: Hadii mabd’a lawada yeelan waayo oo sharcigu sareyn waayo waxaa dhici karta in shacabku sharciga gacmahooda ku qaataan oo dalku uu burburo. danta guud ee Somaalilaana waxay ku jirtaa maantaย in dalka lagu soo dabaalo Kefadii miisaanka ee sharciga aheyd.

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker