Netanyahu Oo Sheegay Inuu Cadeyn uhayo Iran inay haysato Nukliyeer

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu soo bandhigay cadeynmo muujinaya in Iran ay jabisay Heshiiskii Nukliyeerka isla markaana ay heysato hubka nukliyeerkaXogtan Netanayahu uu isniintii shalay kusoo bandhigay magaalada Tel Aviv ayey ku jireen sawiro iyo muuqaalo kale oo uu sheegay inay yihiin xog sir ah oo Israel ka heshay Iran iyo heerka uu gaarsiisan yahay Barnaamijkooda Nukliyeerka.

Netanyahu oo qaab ruwaayad ah usoo bandhigay xogtiisa ayaa sheegay in Iran been ka sheegtay heerka uu gaarsiisan yahay barnaamijkooda Nukliyeerka, isagoona sheegay in Iran ay si qarsoodi hoosta uga sameysanayso hubka nukliyeerka.

Benjamin Netanyahu ayaa ku booriyey Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka inuu burburiyo heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka ee sanadkii 2015 wada saxiixdeen, Iran iyo Wadamada xubnaha Joogtada ah ee Golaha Amaanka; Maraykanka, UK, France, Russia, China, oo ay wehliyaan Midowga Yurub iyo Germany.

Israel iyo Sacuudiga ayaa si weyn uga soo horjeeday heshiiskaasi oo ay saxiixday xukuumadii hore ee Maraykanka Barack Obama, waxayna hada olole markale ugu jiraan in Maraykanka heshiiskan isaga baxo.

12ka Bishan May ayaa ku eg xiliga laga doonayo Dowlada Maraykanka inay markale cusbooneysiiso heshiiskan sanadaha badan soconaya, balse Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu heshiiska ka bixi doono.

Qaramada Midoobay, France, UK, Germany, Ruushka, China iyo Midowga Yurub ayaa intaba weli taageersan heshiiskan iyagoo sheegay in Iran ay kasoo baxday shuruudihii lagu xiray, isla markaana uu yahay heshiiskan midka kaliya ee xakameyn kara Barnaamijka nukliyeerka ee wadanka Iran.

Raysalwasaaraha Israel ayaa warbixintiisii shalay soo bandhigay maalin kadib markii uu la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay safaro ku marayey Israel, Sacuudiga iyo Urdun (Jordan).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker